Sanaag Dadkeedaa Hagraday Maantana Uguna Wacan Dhibkaa Ka Jira.

0
Monday May 27, 2019 - 12:46:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanaag Dadkeedaa Hagraday Maantana Uguna Wacan Dhibkaa Ka Jira.

    Wararka Arxandarada Ee dhiig Miirtayaasha Kunool Deeganada Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Arxandarada Ee dhiig Miirtayaasha Kunool Deeganada Gobolka Sanaag Gaar ahaan Ceel-Afweyn Uma Arko Wax ay Dawladu Wax Ka qaban Karto Sababo Badan Awgood,


Dadyowga Garashada Iyo Aqoontu Ku yartahay Ee Aan Dil mooyee Daa Aan Garaneyn Ee Dega Deeganadaa Ayaa Hawshan Ka Masuul Ah Dusha Iyagay U saarantahy Dhib kasta Iyo Hagardaamo Dhiig Daadasho Ee ka Dhacda Deeganka.



Sanaag Maanta wax Ku cadaatay Cid kaleba Maahee labada Reer Ee Asliyan wada Dega Deegaanka Inay Dadka Kale Ka Danbeeya Dhaqan Ahaan, Aqoon Ahaan Iyo Garasho Ahaanba Waxa Dul Hadheysay Badawnimo baahsan Oo Biyo Dhigtay waliba Gundahooda.


Haday Inuun Damiir leeyihiin Iskumay Dileen Dhiigna Umay Daadiyeen Wax Yaroo Basiida Oo Ay Xalkeeda Iyagu Gaadhi karaan.


Haday Inuun Garasho Leeyihiin May Sameeyeen Inay Kabaxaan Dhaarta, Waa labada Beeloodbee inu Uunbay Wax Ku garan lahaayeen Dhaarta Iyo Xeerarka ay Dhigteen.

Haday Inuun Iimaan leeyihiin May Jabiyeen Cahdigii Balantii Iyo nabadii juhdiga La geliyey Ee La Soo Afjaray.


Maanta Ma Jirto Cid keli ah Oo Eeda Dhakada Laga saarayaa, Mana Jirto Cid keli ah oo kamasuul Noqoneysa Hawsha Halkaa Kataagan balse Waxa Eeda wada Yeelanaya Deeganka Wax Dagan Oo dhan.


War Miyey ka Liitaan Odeygii Ugu weynaa Somaliland Dhibtii Iyo mashaqdii Aabihii Loo geystay Ee Uu halkaa Ka maray Isagoo Ka aarsan Karaaya Ninkii Abihii Dilay.


War Miyey wax Ku qaadan Kari Waayeen Odeygii Ugu Danbeeyey Ee Caruurtiisa Lagu Laayey ee Iska Dhaafay Idhina Anaa Nabad ka Dooranaya Caruurtayada Aan Dilka Ku waayey.

Sanaag Manta Waxa Ku shaqeysanaya Dadkeeda Dagan Dadyow Kale Oo Faraha Kula Jira Falalka Ka Dhacaaya.


Sanaaga Manta Dadkeeda Ayaa Halkaa Dhigay Una Gartay Inay Noqoto Deegaan Ku Soo Shacbaxay dil, Boob, dhac Ay Arxandaro Ku Jirto.


Sanaag Manta Hagaardaamo Kasta Oo ay Dadku Qaban Iyagaa Gondahooda Ku samysatay Cidna Ayey Ugu Calaacalin Dawladna Yey Dhakada Kasaarin.


Kaliyaata Maanta Waxaan Odhanlahaa Dadka Degan Deeganka, Inta ka maqan Ee Dunida Kale Kala Joogta iyo Gobolada Dalkaba inta Ku Nool ee leh Aqoonta Iyo waxgarashada Xeesha dheer la saaxibna Ah Waayo aragnimada waxan leeyahay Deegaankiina Dib Ugu Noqoda Oo islaaxiisa Iyo wanaagiisa Ka Shaqeeya Waa Hadaad Inuu Damiur Leedihiin.


hal-kalana Waan Kudarayaa Maanta Reer Sanaag Hadii Ay Nabad Iyo wanaag Doonayaa Haka Ilbaaxaan odayaasha Cimaamadaha Waa weyn kala Sita Ee waxay Cunaan Mooyaane wax Kale Aan Hayn Ee ku dhex Jira Labada Beeleed Ee daga Mesha.


Alle Hakala qaboojiyo Hana ukala Dhib yareeyo Mashaqada Mesha Ka Taagan qalbiyadoodana Ha Isku Nadiifiyo, Gacal Iyo Xigto Islaaashadana Haka Dhigo Waa Bil Ramadaane

Alle haka Dhex qabto DadkaSida Arxandarad U daadinaya dhiiga Umada Aamiin


W/Q:- Abdirahman S. Carab

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...