Goormee Ayay Dhacaysaa Doorashada Banaadiriga?

0
Thursday February 24, 2022 - 20:07:47 in News by
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormee Ayay Dhacaysaa Doorashada Banaadiriga?

    Doorashada Kuraastaan ayaa waxaa barri oo jimco ah oo taariikhdu tahay 25-ka bisha February 2022-ka oo ah goortii lagu ballamay in la soo gabgabeeyo doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Kuraastaan ayaa waxaa barri oo jimco ah oo taariikhdu tahay 25-ka bisha February 2022-ka oo ah goortii lagu ballamay in la soo gabgabeeyo doorashada

Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa shaaciyey waqtiga laqanayo doorashada shan  kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda fedelka Soomaaliya ay ku yeelanayso beesha oo  ku matali doono golaha.

Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in kuraasta tirsigoodu kala yahay HOP#226, HOP#265, HOP#105, HOP#084 iyo HOP#034, soo xulista ergada dooranaysa iyo doorashadooda intaba ay dhacayso maalinta barri oo Jimco ah.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#265 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar

2: Kursiga tirsgiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed.

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#105 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar Sheekh.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#034 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Khaalid Macow Cabduqaadi

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#084 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisey xildhibaan Fahma Axmed Nuur.

Doorashada Kuraastaan ayaa waxaa barri oo jimco ah oo taariikhdu tahay 25-ka bisha February 2022-ka oo ah goortii lagu ballamay in la soo gabgabeeyo doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay ka dhacaysaa Muqdisho.


Loading...
Loading...