Maxaa Baajiyay Safarkii Madaxwayne Muuse Biixi Shalay Ku Imanlaha Dalka?

0
Thursday February 24, 2022 - 18:18:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Baajiyay Safarkii Madaxwayne Muuse Biixi Shalay Ku Imanlaha Dalka?

    Ma Dhabbaa In Xukuumadaha Somaliland Iyo Jabuuti Wax Iska Waydiiyeen Taliyihii Booliska Jabuuti Ee Xabsiga La Dhigay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Xukuumadaha Somaliland Iyo Jabuuti Wax Iska Waydiiyeen Taliyihii Booliska Jabuuti Ee Xabsiga La Dhigay?

Hargeysa, (HWN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la filayay in uu shalay oo Arbaca ahayd kasoo laabto safarkii uu ugu maqnaa waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la filayaa in uu maanta oo Khamiis ah dalka dib ugu soo laabto, sida loo badinayo kadib markii sida wararku nagu soo gaadheen uu madaxda dalkaasi kala soo xaajooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin Is-kaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga, dhaqaalaja, isu socodka iyo xoojinta xidhiidhadii hore ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti.



Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safarrada uu dalka Jabuuti ku tagaa noqdeen kuwa ugu badan ee uu ku tagay dal dibadeed intiii uu xilka hayay ayaa waxa ay wararka safarkiisan la xidhiidhaa sheegayaan in uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana sidii caadada ahayd dhacday in aanay labada xukuumadood warar faahfaahsan ka soo saarin safarka Madaxweyne Biixi marka laga tago kelmado kooban oo warbaahinta labada dawladood ku sheegeen safar wax wada qabsi iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac ah.


Ilo-wareedyo u dhuun daloola safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa tibaaxay in uu salka ku hayay xog is-dhaafsi la xidhiidha xaaladaha ammaan, dhaqaale, ganacsi iyo diblomaasiyadeed iyada oo safarka Madaxweyne Muuse Biixi ku soo beegmay wakhti dalkaasi Jabuuti iyo guud ahaan warbaahinta Soomaalida si weyn looga hadal hayo xadhiga loo gaystay Taliyihii ciidamada Booliska ee Jamhuuriyadda Jabuuti Jeneraal Cabdillaahi Cabdi Faarax oo la xaqiijiyey in uu wakhtigan ku xidhan yahay xabsiga weyn ee Gabood ee ku yaalla magaalada Jabuuti.


Inkasta oo warar badan oo lagu baahiyey warbaahinta Online-ka ahi ay tibaaxeen in labada dhinac wax iska waydiiyeen xaaladda Taliyaha Jabuuti ee xabsiga la dhigay haddana wali  Madaxtooyada Jabuuti iyo waftiga Somaliland midna ma xaqiijin in xukuumadda Jabuuti ay waftiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax ka waydiisay xaaladda sarkaalkaasi ay xabsiga dhigeen oo mid ka mid ah safarradiisii ugu dambeeyey ku yimid Somaliland isaga oo wakhtigaasi ka qayb galayay xuska maalinta ciidanka Booliska Somaliland, ahaana sarkaal ay Somaliland aad u soo wada shaqeeyeen muddooyinkii dambe oo dhan marka laga hadlayo sida ay labada waddan isaga kaashadaan dhinacyada amniga iyo xasiloonida oo ka mid ah arrimaha ay labada waddan iska kaashadaan.


Waxa aad u hooseeya xogaha rasmiga ah ee ka soo baxaya ajandaha dhabta ah ee martiqaadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sida aan soo sheegnay safarradiisa ugu badan ee uu dalka dibaddiisa ugu baxay muddodii uu xukunka hayay tan iyo 2017 ay noqdeen safarrada uu ugu baxo waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.


Dhinaca kale kulan la filayay in Marka uu Madaxweynaha Somaliland dalka Jabuuti ka soo laabto uu kula kulmo madaxda xisbiyada qaranka iyo Komishanka doorashooyinka ayay xogaha aanu helaynaa tibaaxayaan in uu u baaqan karo sababo aan la caddayn, waxaanay xaaladdaaso ku soo beegmaysaa wakhti ay xisbiyada Mucaaridku isku diyaarinayeen kulankaasi oo ay doonayeen in meesha lagaga saaro si af garan waaga siyaasadeed ee uu abuuray furista ururrada ee xukuumaddu ku doodaysaa sidoo kalena ay doonayeen in lagu dardar galiyo hawlaha doorashada Madaxtooyada ka horreeya, waxaanay u muuqataa in Madaxtooyadu kulankaasi ka baaqsanayso.

Loading...
Loading...