Madaxwaynaha Ruushka Oo Sheegay In Uu Jawaab Siin Doono Cidii Horistaagta

0
Thursday February 24, 2022 - 15:28:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Ruushka Oo Sheegay In Uu Jawaab Siin Doono Cidii Horistaagta

    "Waxaa loo qaatay inay fariintaasi ku socotay dalalka reer galbeedka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa loo qaatay inay fariintaasi ku socotay dalalka reer galbeedka"

Mar sii horreysay, madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo ciidammadiisa ay weerareen Ukriane ayaa reer galbeedka u diray diginin adag.

 

Isagoo si toos ah uga hadlayay talefishinka dalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in jawaabta uu dalkiisa ay noqon doonto mid deg deg ah haddii la isku daya in la horistaaga howlgalka uu dalkiisa uu ka billaabay Ukraine.

 

Waxaa loo qaatay inay fariintaasi ku socotay dalalka reer galbeedka oo ilaa iyo hadda Moscow ku soo rogay cunaqabateyno adag, kuwa kalana ballan qaaday.

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu kulan la yeelan doono hogaamiyayaasha G7 maanta o Khamiis ah, isagoo ku hanjabay in cunaqabateyn adag la dul dhigi doono Ruushka.

 

Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada kulan deg deg ah si ay uga arrinsadaan jawaabta ay UK ka bixin lahayd arrintan.


Loading...
Loading...