Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Degdeg Sharciga Loo Hor Keeno Hablo Waxyeelo Isugu Gastay Haybtooda Darteed!

0
Thursday February 24, 2022 - 14:28:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Degdeg Sharciga Loo Hor Keeno Hablo Waxyeelo Isugu Gastay Haybtooda Darteed!

    "Hablo dhagaxaan lagu garaacayo, waxay ka dhacday Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hablo dhagaxaan lagu garaacayo, waxay ka dhacday Laascaanood"

Hargeysa, (HWN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumadda Somaliland usoo jeediyay in ay tallaabo adag ka qaado hablo baraha bulshada ku baahiyay muuqaalo iyaga oo garaacaya hablo kale qabiilkooda awgii, dhacdooyinkan oo ka dhacay Magaalooyinka Hargaysa iyo Laascaanood.

 

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in uu filayay in laamaha amnigu ay talaabo ka qaadaan hablaha isku waxyeelayay haybtooda awgeed.

 

"Hablo dhagaxaan lagu garaacayo, waxay ka dhacday Laascaanood, waxan u qaatayba anuu in ay dhalanteed tahay, hadayse dhab tahay waxan filayay in laamaha amniga, booliiska, sirdoonka jooga Laascaanood in ay qofkaa soo qabtaan, marlabaad ayay ka dhacday Hargaysa" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xogeeyaha ayaa sheegay in hadii aan talaabo laga qaadin, ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin.

 

"Hadii aan talaabo laga qaadin oo aan sida Facebook-ga loo ilaaliyo aan shacabka loo' ilaalin, ee marka ninka madaxda ah wax laga qoro loo ilaaliyo aan umada loo ilaalin, waxay inagu noqon doonta wax aynu ka qoomamoono" ayuu yidhi xogeeyuhu.

 

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada kasoo muuqday hablo muuqaalo iska duubaya iyaga oo hablo kale u wax yeelaynaya haybtooda darteed.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Laascaanood gabadh ku dhex labbisatay calanka Somaliland ay hablo magaalada ahi shirqooleen oo dileen kadibna gabadh kale oo Hargeysa degan kana soo jeedda Gobolka Sool ay sheegatay in hayb ahaan loogu  waxyeeleeyey Hargeysa.


Loading...
Loading...