Waddani Oo U Jawaabay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Eedo Ujeediyay

0
Thursday February 24, 2022 - 14:22:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo U Jawaabay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Eedo Ujeediyay

    "Arrintaasi waxay ka markhaati kacaysaa miisaanka iyo meeqaamka Wasiirrada ummada xilka u haya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrintaasi waxay ka markhaati kacaysaa miisaanka iyo meeqaamka Wasiirrada ummada xilka u haya"

Hargaysa (HWN)  Xoghayaha Isgaadhsiinta Ee Xisbiga WADDANI  Axmed Cismaan Axmed  ayaa ka jawaabay eedo Wasiir Cabdilaahi Abakor usoo jeediyay Xisbiyada Mucaaradka.

 

Sidoo kale waxa uu xoghayuhu sheegay in ay ceeb ku tahay xukuumada iyo wasiirkaba in uu shacabka uu xilka u hayo uu ku tilmaamo Cayaan.



Qoraalka xoghayahu uu kaga hadlay arinkaasi ayaa uqornaa sidan:-

 

Wasiirka hawlaha guud Cabdillaahi Abokor Cismaan oo nasasho iyo tamashle ku jooga Waddanka Turkiga, ayaa soo qoray wax uu ku sheegay kooxo nabadda halis ku ah una bixiyey CBB.

 

Arrintaas wuxuu ku eedeeyey mucaaradka iyo qolooyin kale oo uu isagu ogyahay.

 

Marka hore waxaan u cadaynayaa bulshada Somaliland in aanay jirin wax koox gaar ah oo mucaaradku dabada ka wado oo amniga iyo xasiloonida waddanka halis ku ah.


Axsaabta mucaaradku waxay marwalba u taagan yihiin ilaalinta nabadda iyo horumarka shacabka Somaliland.

Waxaa nasiib darro ah, in nin Wasiir ah oo umada xil u hayaa bulshada la wadaago hadallo suuqdi ah oo aan wax micno ah lahayn, oo uu ku sheegay cilmi baadhis uu sameeyey (Research).

 

Waxa kale oo nasiib darro ah in Wasiir xil qaran hayaa tamashle ku joogo wadan shisheeye xilli ummadii uu masuuliyada u hayey, la dhibaataysantahay abaar iyo sixir barar.

 

Waxa iska cad in Wasiirku markii uu firaaqo helay ee uu nastay ayuu doonay in uu dadka maaweeliyo.

 

Arrintaasi waxay ka markhaati kacaysaa miisaanka iyo meeqaamka Wasiirrada ummada xilka u haya ee xukuumadda Kulmiye.

 

"NIMANKII BUSTAANADA XABSIGA WADA BIYEYNAAYEY BARAYMINSTAR IYO BAY NOQDEEN BAASHE IYO KIINE.

BANKA WAXAY KU TAMASHLAYNAYAAN BAYLAN IYO JIIBE.

IN ADUUNYO BOOB LAGU HELO AYEY BADAWDU MOODAAYE SIDII KALEE ILLAH WAX U BAXSHAA WAY BANAANTAHAYE"

Loading...
Loading...