Wasaarada Waxbarashada Somaliya Oo Beenisay In Imtixaanka Maanta Ardaydu U Fadhiisanayso La Helay.

0
Monday May 27, 2019 - 12:21:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbarashada Somaliya Oo Beenisay In Imtixaanka Maanta Ardaydu U Fadhiisanayso La Helay.

    Qaybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.


Tirada ardayda saaka fadhiisanaysa Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dawlada ayaa tiradooda lagu sheegay 31kun oo arday.



Waraaqo xalay la isku waydaarsanayay baraha bulshada oo lagu sheegay in imtixaankii lahelay ayaa waxaa beeniyay masuuliyiinta wasaarada waxbarashada Somaliya


Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya Maxamuud Cabdulaahi Jaabiri ayaa sheegay in si wayn loo adkeeyay nidaamka qaadista Imtixaanka islamarkaana maanta si wanaagsan uu ku bilaabanayo imtixaanka.


"Waxyaabaha baraha Bulshada lagu faafiyay ee la leeyahay waa Imtixaankii waa been abuur waa Imtixaan hore aniga ayaa Koontaroolay, marka dadka beenta faafinaya oo isku dayaya qal qal gelinta Imtixaanka waan uga digeynaa.” Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya


Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee Somaliya oo sanadkaan Wasaaradda waxbarashadu ku fashilantay, ayaa ugu dambeyn la filayaa in maanta si hagaagsan uu ku bilowdo.

Loading...
Loading...