"Waxa Cajaa'ib Ah Sidda Aynu Kaligii Taliye Saaxiib Dhow Ula Noqonay

0
Thursday February 24, 2022 - 14:09:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Waxa Cajaa'ib Ah Sidda Aynu Kaligii Taliye Saaxiib Dhow Ula Noqonay

    Innago Ogsoon Dhinac Walba Halka Uu Ka Tagan Yahay Qadiyadeena Dawladnimo "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innago Ogsoon Dhinac Walba Halka Uu Ka Tagan Yahay Qadiyadeena Dawladnimo "

Ma u muuqata in si aan caad inagga saarneyn in Geelaha Jabuuti feedhaha JSL iyo madaxdeed u tirsaday sanadahan ugu danbeeyey . Tolow hadda ma maaweelinta iyo mado-daaladda ayaa Madaxdeenu u qaabilsan tahay ina Geele ,ileen waxan ka badan boqosho . Wakhtigan isagga ah inuu Madaxweyne boqosho ku tago meelna ma aheyn waxa weeye Maalin samato-bixinta Ummadiisa u taagnaado ayey aheyd . 

 

Sidda si la mid ah Jabuuti xalado ayey ku jirta uu ina Geele mala-awalay halkanna kuma ay jirin in Madaxdeenu inay ka qayb noqoto, iyadoo kala degto mooye . Wax kale cajiibka ah sidda aynu kaligii taliye ,Maanta Saxiib-dhow ula noqonay aynu ognahay dhinac walba halka uu qadiyadeena ka tagan yahay , oo ummadda ugga dhawaanay inagoo haddanna nidhaahna waa ka soo horjeed duudsiinta xaquuqda ummadda iyo in qof kaliya loo daba-fadhiisto masiirka ummadda iyo heykalkeeda. Adduunka ma jirto dal wax uu ka soo horjeedo meel ay ka jirto oo dantiisa ku jirin saxiib la noqdda,halkaan dhowr bilood booqsho ay ku tagan madaxda dalkaasi innagga mooye . Inaan dal ahaan iyo ummad ahaan ba aad ugga fogaano ayey aheyd kali talisnimadda Jabuuti ee gadhka hayo inna Cumar Geele . Waa tii maah maahdu odhan jirtay "Caafimaad iyo caano waxan aheyn ba waa la kala qaadda" in wax inagaga soo duulaan ka digtoonaateeda iyo ka rumeynta wax aynu ummad ahaan sheegno labadaasi ba waa kuwa inna kala fogaynaaya meel kasto nidaam guracani-ka jirto Africa iyo aduunka kale ah.

 

 

Weliba Inna Geela deriska nahay waxan kagga sii dhawaano ma jirto adduunku waxa ugu neceb-yahay JSL iyo ummadeed inay xaqood iyo xaquuqdood helaan wanna mid ummad ahaan iyo madaxdeed xaqiiqda biyo-kama dhib-caanka aynu ogsoonahay haddii wax inagga si aheyn.  Ka ag dhawaanta iyo isku dhejinta Kali taliyaha Jabuuti dhawac ay inoo leedahay mooye wax kale oo faa,iido ah ma jirto sidda awgeed haddii Xisbig Muxaafidka ah uu u noqday mid maaweeliya oo medo-daaliya in Cumar Geele talaabo-qaadashadeed iyo qadiyad wax ku ool ah waxa ku dhaqaaqideedu la gudboon tahay mucaaradka oo walibba , talaabooyinkii ugu danbeeyey ee Xukumadda ku dhaqaaqaysay aaminsan inay yihiin kuwo lagga soo dheegtay kaligii taliyaha Jabuuti ee madaxda dalkeenu socdaaladda joogtadda ku tagaan afartan sanadood ee ugu danbeeya. 

 

 

                    Abokor Mohamud

                 [email protected]

            Aragtidda Muwadinka JSL.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...