Isu Eekaanshaha Bilowgii Dagaalkii 1977 Ee Soomaaliya Iyo Itoobiya, iyo Kan Ruushku Ukreyn ka wado.

0
Thursday February 24, 2022 - 14:02:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isu Eekaanshaha Bilowgii Dagaalkii 1977 Ee Soomaaliya Iyo Itoobiya, iyo Kan Ruushku Ukreyn ka wado.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Horraantii sannadkii 1976 ayey Soomaaliya dagaal gelisay jabhadihii ku kacsanaa dawladda Itoobiya ee saldhigyadoodu ahaayeen Soomaaliya. Jabhadahaasi waxa loo xilsaaray Janaraal Galaal oo tababar iyo dagaal gelista barayey. Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad caalamka ugu sheegaysay in aanay dagaalka ku jirin. Hasayeeshee waxa jabhadaha la raacin jiray ciidankii lugta ee Soomaaliya oo laga beddelay tuutihii, loona xidhay dharka jabhadaha. Dawladdii Soomaaliya inay ciidankeedu dagaal kula jiraan dalka Itoobiya way beenin jirtay. Xoghayihii guud ee jabhadii WSLF, Caare ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay la socdeen oo ay dagaalka kula jireen.  Faahfaahinta ka eeg” Sababihii Burburka Soomaaliya, C/qadir Aroma 2005”.



Laakiin markii la soo gaadhay badhtimihii sannadkii 1977, gaar ahaan bishii Juulay ayey si cad u sheegtay in ciidankeedu ka dagaalamayaan gudaha Itoobiya. Dhinaca marka laga eego waa khiyaamo ay lahaayeen dalalkii qaatay Shuuciyaddii midowga Soofiyadka. Tabtaasi oo kale ayuu Ruushku maanta ka wadaa dalka Ukreyn, wuxuu toos taageero milatari iyo mid dhaqaale u siiyaa jabhadaha ku kacsan dawladda Ukreyn ee ku sugan gobollada bariga dalka Ukreyn.


Dagaalkaasi ay wadaa jabhadaha ku kacsan dawladda Ukreyn waxa xigi doona dagaal buuxa oo ay ciidamada Ruushku ku qaadi doonaan gobollada kale ee ay ku jirto caasimadda Kiyeef, si meesha looga saaro maamulka u jandheedha dhinaca reer galbeedka, looguna beddelo kuwa taageersan Ruushka iyo reer bariga diciifay. Ruushku haatan waa cidiyo ku dagaalan waayo gaashaabuurtii NATO ayaa u soo fadhiisatay albaabkiisa (Ukeryn), iyaga oo doonaya inay gantaallo ku rakibaan deegaanno aan ka fogeyn xuduuda ay wadaagaan Ukreyn. Waxa iyana meesha ku jirta in madaxweynaha Ruushku uu dagaalkan ku doonayo taageero siyaasadeed oo uu ku soo jiito shicibka Ruushka, oo dhaqan u leh in hogaamiyaha dagaal ku guulaystaa uu geesi lama taabtaan ah ka yahay Ruushka. Runtii tiina qacdii hore wuu helay.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...