Ganacsatada oo ka Markhaati Kacay in Wasaarada Maaliyaddu u Fududeysay Adeegyada ay Bulshada u Qabato

0
Thursday February 24, 2022 - 12:03:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada oo ka Markhaati Kacay in Wasaarada Maaliyaddu u Fududeysay Adeegyada ay Bulshada u Qabato

    waxay masuul ka tahay hubinta nidaamka maaliyadeed ee ay u xilsaaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxay masuul ka tahay hubinta nidaamka maaliyadeed ee ay u xilsaaran


Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay qorshe Qaran ahaan inna wada sugaya sidii shaqooyinkii hore dadkeenu u qaban jireen ee imika gacmaheena ka baxaya looga tashan lahaa.


Wasaaradda Maaliyadu waxay ka dhaaftay cashuurta raashinka 20% xilligii xanuunka COVID uu bilaabmay, sidoo kale sannadka 2022 ayey siyaasada miisaaniyada ku jirtay oo laga dhaafay 10%, sidoo kale cashuurta kontiinerada raashinka ayaa laga dhaafay, si loola dagaalamo sicir-bararka badeecadaha daruuriga ah. Waxa cashuur-dhaafyo badeecado qiimahoodu gaadhayo 30 milyan dollar loo sameeyey dhinacyada beeraha, warshadaha, biyaha, kaluumaysiga, tamarta iyo xoolaha, si loo kobciyo waxsoo-saarka dalka, loona yareeyo sicir-bararka.



Wasiir Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ka qeybgalay barnaamijka Waxqabadka Xukuumada & isla xisaabtanka Dadweynaha, kuna wehelinayeen agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud Axmed Da’ud iyo masuuliyiin Waaxyaha Wasaaradda oo ugu horeyn lagu soo bandhigay muuqaal si faahfaahsan uga waramayey waajibaadka Wasaaradda Maaliyadda oo la sheegay inuu yahay mid uu qeexayo Dastuurka Somaliland.


waxay masuul ka tahay hubinta nidaamka maaliyadeed ee ay u xilsaaran tahay, kor-joogteynta xisaabaadka iyo kharashaadka hay’adaha dawladu galaan, Horumarka laga sameeyey miisaaniyadda Qaranka ayey ka mid tahay in loo diyaariyo sida miisaaniyadaha caalamka, soona marto heerar kala duwan, si loo ogeysiiyo muwaadinka lahaanshaha miisaaniyadda, waxa laga qeybgeliyey bulshadu diyaarinteeda. waxaana ka hawlgalaan shaqaale gaadhay 1913 qof oo 1421 ay yihiin rag, halka saamiga haweenka ka shaqeeya tiradoodu gaadhayso 495, waxaanay ku shaqeysaa xafiis ay ku kala leedahay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo gaadhay 122.


Warbixinta hordhaca ee laga hadlayey waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in Mashaariico horumarinta bulshada la xidhiidha laga maalgeliyey miisaaniyada dawladda 2018-2021, wallow aynu nahay dal soo koroya, isla markaana aan dibeda ka helin taageero dhaqaale iyo kab miisaaniyadeed, laakiin cashuuraha laga uruuriyo bulshada lagu fuliyo, oo badi ku baxda dhinaca hawlaha sugid amniga, iyadoo Wasaaradu waajahaysay caqabdo lagala kulmay xanuunka saf-marka ee COVID, saamayntii ayaxii ku habsaday gobolada dalka iyo abaaraha soo noqnoqday, haddana waxay ku guulaysatay inay maalgeliso mashaariicda horumarinta bulshada. Sannadkii 2017 dhaqaalaha miisaaniyadda ee loo qorsheeyey mashaariicda waxay gaadhaysay 10% halka sannadkan 2022 ay gaadhayso 15%.


Wasaaradda Maaliyadda iyadoo kaashanaysa mashruuca horumarinta maaliyadda ee PFM ee dhinaca dakhliga waxay ku guulasyatay casriyeynta iyo maamulka dakhliga, soo iibsiga miisaanka gawaadhiga jaadka oo lagu xidhay kastamada jaadku soo maro, iibsiga hanaanka dib-u-habaynta maamulka cashuuraha (ITAS), Aasaasida Guddiga ka-garnaqa dacwadaha cashuuraha, diiwaangelinta daaraha shan gobol la dhamaystiray, nidaamka bixinta cashuuraha ee elektarooniga (E-cashier), fududeynta qaadashada kaadhadhka shaqada iyo fiiseyaasha, hirgelinta cashuurta GST (Goods & Service tax), kor-u-qaadida iyo casriyeynta xidhiidhka cashuur-bixiyaha iyo Wasaaradda Maaliyadda, kor u qaadka heerka dabaqaadda iyo fulinta cashuur-bixinta, joojinta lacagaha aan sharcigu jideyn, sal-balaadhinta nidaamka kastamada ee casriga ah (CMS), summad aaqoonsiga cashuur-bixiyaha, hanaanka cashuur-bixinta online-ka ah, xaraashka badeecadaha muddo-dhaafka ah, yareynta wakhtiga la bixista badeecdaha ee kastamada,


Dib-u-habaynta hanaanka kharash-bixinta dawladda waxay sarre u kacday boqolkiiba xaddi dhan 34%, afartii sannadood u dambeeyey, iyadoo 99% lagu guulasytay bixinta qoondadii kharashka miisaaniyadda sannad walba, waxaanay wasaaradu meesha ka saartay kharash dhimid, jaris, ama miisaaniyadahii hore dhici jirtay.


Si loo xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka waxay Wasaarada Maaliyadu fulisay, habaynta maamulka maaliyadda dawladda, sida hanaanka maareynta lacagaha dawladda, hanaanka la socodka jaranjarooyinka lacag-bixinta, tayeynta hanaanka wax-iibisga dawladda, mashruuc adabagalka iyo qiimaynta mashaariicda dawladda, nidaamka xisaabeed is-wada ee dawladda (IFMIS), mashruuc adaah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka adeeg-bixinta Wasaaradda maaliyadda, mashruuca diiwaangelinta mashaariicda iyo deeqaha dibedda, hanaanka kharsh-bixinta adwlada (E-payments), mashruuca fududeynta iyo casriyeynta lacagbixinta dawladda, mashruuca fulinta shuruucda maaliyadeed, mashruuc adejinta hagaha lacag-bixinta dawladda, mashruuca fulinta xisaab-xidhka dawladda (IPSAS),


Ganacsato iyo cashuur bixiyeyaal lagu wareysatay barnaamijka waxay xaqiijiyeen in isbedelka wanaagsan ay kala kulmeen adeegyo Wasaaradu soo kordhisay, sida adeega online-ka, adeega miisaanka badeecadaha ee kastamada, iyo wakhtiga ganacsadahu ku helo lacagta uu wax kaga iibiyo dawladda.


Warbixinta waxqabadka dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda 2017 ilaa 2022, iyadoo fulinaysa siyaasada dakhliga & xeerka maamulka maaliyadda, waxay shanti sannadood ee u dambeeyey waxa la sameeyey korodh dakhli oo gaadhaya 35.5% oo ka badan ku talo-galkii.


Dhegysigii bulshada ee warbixintii iyo waxqabadkii wasaarada maaliyadda, ka dib, dadweynahii ka soo qeybgalay oo su’aalo kala duwan ku weydiiyey Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad iyo madaxdii ku wehelinaysay ayey qaarkood u dhaceen;


Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo ka jawaabayey su’aalo kala duwan oo bulshadii ka soo qeybgashay ay weydiiyeen ayaa u dhacay sidan;


Maxaa sababay in dhaqaalaha miisaaniyadda 2022 loo qoondeeyey wax-soo-saarka oo gaadhaya dhowr iyo toban u yaraado, ayuu kaga jawaabay, "Wax-soo-saarka laba shay ayaa dhiirigeliya, miisaaniyada oo la kordhiyo iyo siyaasada cashuurta. Waxa ugu weyn ee waxsoosaarka beeraha, kaluumaysiga, warshadaha lagu dhiirigeliyo waa cashuur-dhaaf. Dhamaan agabka la xidhiidha beeraha, cagafcagafyada, iwm, agabka kaluumaysiga, warshadaha, ee dibeda ka yimaada cashuur lagama qaado, markaa dhinacyo kale ayaa laga kaabaa Wax-soo-saarka. Xilligan sicir-bararka waxuu innagu baraarujiyey Wax-soo-saarka, maadama dal walba caalmku uu xidhay badeecdahii dalkiisa ka soo bixi jiray, taasoo keenaysa in bulshadii aan wax-soo-saar guddo lahayn dhamaan badeecadaha dibeda looga keeno qiimahoodu ku kordho.


Su’aal kaloo laga weydiiyey sababta mushaharka ciidamada suga amaanka bulshada xaddi ka badan loogu kordhin waayey ayuu ku jawaabay Dr Sacad, "Ma jirto hagrasho in loo kordhiyo mushaharka ciidamada dalka in ka badan hadda, laakiin waa intii aynu awoodnay immika. Miisaaniyadda 36% waxuu ku baxaa amniga, wadammada aynu jaarka nahay, marka xaaladu caadi tahay waxa amniga ku baxa 7-8%, ahmiyada amaanka dalkeena la siinayo ayaa qiyaasta sarreysa looga qoondeeyey miisaaniyadda.


Su’aal laga weydiiyey shaqada Baanka Dhexe ma shaqeeyo, shaqadiisii waxa qabta kuwa gaarka loo leeyahay sababta keentay, ayuu ku jawaabay, "Baananku waa laba mid dhexe iyo mid ganacsi oo dadweynahu xisaabo ka furtaan. Dawladu waxay leedahay bangi dhexe, ma jiro bangi ganacsi aynu leenahay, waa wax loo baahan yahay, laakiin, imika ma jiro. Bangiga dhexe waxuu qabtaa waajibaadkii loo aasaasay oo ka mid tahay dejinta siysaadaha dhaqaalaha, hubinta qiimaha shillinka, la dagaalanka sicir-bararka qiimaha sarifka lacagaha, haddaba dawlada waxa uga furan xisaabaad lacagaha dhigtaan, shicibkana way ku leeyahiin. Waa muhiim in la helo bangi ganacsi dawladu leedahay oo shicibku xisaabo uga furan karaan sida kuwa gaarka loo leeyahay, maadama bulshada inbadan caqabado kala kulmaan helitaanka deyn baananka gaarka loo leeyahay, dhalinyarada ama dadka danyarta way ku adag tahay inay damaanad ama qof damiinta keenaan, waa arrin u baahan in loo hawlgalo bangi ganacsi dawlada oo muwaadiniintu ka faa’iideystaan.


Su’aal laga weydiiyey Wasaaradda Maaliyadda waxa uga qorsheysan dadka xanuunada dhimirka ay hayaan ee gudaha magaalooyinka dhex jooga, xilli bisha Barakaysan soo dhowdahay, ayuu Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad kaga jawaabay, "Innagoo dareensan sid axanuunka dhimirku ugu baahsan yahay dalkeena iyo sid adadka qaba xanuunku u daryeel la’ yihiin darteed ayey xukuumadu aasaastay sanduuq laga maalgeliyo mashaariicaha wax loogu qabanayo dadka xanuunka dhimirka qaba, oo 300 shillin kiilooga jaadka laga qaado. Waxa sanduuqa masuul ka ah Wasaaradda Caafimaadka. 


Dhaqaalaha sanduuqa dhimirka waxa lo qorsheeyey in cusbitaalada wakhtigan jira adeegyadooda sare loogu qaado, in lagu kantaroolo xarumaha cilaajyada, in dadka xanuunka dhimirka qaba ee guryaha jooga adeegyo caafimaad loogu qabto halkooda, in Cusbitaalo dhimirka Gobolka Sanaag & Gobolka Laascaanood lagaga dhiso, oon lahaan jirin. Ururada sida mutadawcnimada uga shaqeeya dadka xanuunka dhimirka qaba, waxaan kula talin lahaa inay Agaasimaha Waaxda dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka la wadaagaan shaqooyinkooda iyo waxa ay qabtaan iyo waxuu ku biirin karo.


Dugsiyada Farsama Gacanta oo xisbiga KULMIYE wakhtigii ololaha ballanqaaday inuu kor u qaadayo, maxaa idiinka qorsheysan Wasaarad Maaliyadda ahaan oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay Dr Sacad, "Waxa jirta shaqo la’aan baahsan dhinaca dhalinyarada oo sabab looga dhigo xirfad la’aanta, innagu waxaynu dhaxalnay oo weli ku soconaa nidaam waxbarasho oo aqoonta farsamada gacantu ku yartahay. Siyaasada dawlada way ku jirtaa iyo rabitaankeeda in la kobciyo dugsiyada Farsama Gacanta, mana aha arrin keliya u yaala Wasaaradda Waxbarashada, waa qorshe Qaran ahaan inna sugaya sidii shaqooyinkii hore dadkeenu u qaban jireen ee imika gacmaheena ka baxaya looga tashan lahaa


Su’aal laga weydiiyey shaqaalahii sida rasmiga loo shaqaaleeyey waxa jira dad aan weli si rasmi ah u helin mushaharooyinka, waa maxay sababtu oo la weydiiyey ayuu Agaasimaha Guud Gurxan yidhi, "Shaqaale badan ayaa lagu daray liiska rasmiga ah, oon ku jirin kuwa shaqo qaran, waxaanay hawshoodu dhamaatay bishii saddexaad ee sannadkii 2021, bishii April ayuu mushaharku u bilaabmay. Sannadkan shaqaalaha waxa u bilaabmaya January mushaharkooda oo dhamaytiran sida Wasiirku hore u sheegay, gunnada aanay weli helin waxuu ku yimi dib u dhacii ansixinta miisaaniyadda iyo hawsha shaqo ee lagu diyaarinayo gunnad aoo wasaaradda maaliyadda iyo warfaafintu ka wada shaqeynayaan, laakiin waxay xaq iyo xuquuq la mid yihiin shaqaaleweynaha dawladda.


Su’aal laga weydiiyey sharcinimada xisaabaad Wasaaradaha dawladu ka furtaan bangiyada gaarka loo leeyahay ayuu Wasiir Dr Sacad kaga jawaabay, "Waxa jira hay’addo badan oo wada shaqeyn u dhexeyso dawladda iyo hay’adaheeda, oo badi mashaariicaha ay kala shaqeeyaan dalbada in xisaabo looga furo bangiyada Dahabshiil ama Salaama bank, waa loo baahan yahay inaynu ogaano dhaqaalaha xisaabaadka ku soo dhaca si miisaaniyadda loogu daro, markaa xukuumadu waxay soo rogtay siyaasad inaan hay’ad dawladeed loo furi Karin xisaab bangiga gaarka loo leeyahay ilaa ay fasax ka soo qaadato baanka dhexe, ma furan karaa in Wasaaradda Maaliyadda & baanka dhexe ogolaansho u siinin, sidii loo mideyn lahaa dhaqaalaha iyo la socodkiisana waanu ku dedaalnay oo wadnaa.


Su’aal laga weydiiyey lacagta dadka dibedaha tegaya lagaga baadho xanuunka COVID ma miisaaniyadda dawlada ayey ku jirtaa mise wasaaradda caafimaadka ayaa isticmaasha ayuu Dr Sacad ku jawaabay, "Hore Cusbitaalka Guud, ayaa qaadi jiray, mardambe Wasaaradda Caafimaadka ayaa la wareegtay, imika miisaaniyadda 2022 waxaa ku sheegnay in lagu soo dari doono miisaaniyadda ka dibna nidaam miisaaniyadeed loogu gudbiyo Wasaarada Caafimaadka si ay u isticmaalaan. Wakhtigan waxaan bilownay in kharshkaa lagu qabto jiwan ku dhaca khasnada guud, nidaamkaana la mariyo waxii dambe.

Loading...
Loading...