Khilaaf Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Somaliland.

0
Wednesday February 23, 2022 - 18:49:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Somaliland.

    "Wasiir ku xigeenka iyo garabkiisa ayaa la wareegay page-kii wasaaradu ku lahayd Facebook-ga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiir ku xigeenka iyo garabkiisa ayaa la wareegay page-kii wasaaradu ku lahayd Facebook-ga"

Hargaysa (HWN) Maalmihii lasoo dhaafay waxa soo baxayay khilaaf soo kala dhex galay Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada Waxbarashada Somaliland.

 

Wasiir Toorno oo dhinac ah iyo wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha Guud oo isku dhinac ah ayaa isku Haysta awoodii Wasaarada.

 

Wasiir ku xigeenka iyo garabkiisa ayaa la wareegay page-kii wasaaradu ku lahayd Facebook-ga waxaanay ka ilaaliyeen Sawirada iyo Muuqaalada Wasiir Toorno in kaste oo dhawrkii cisho ee lasoo dhaafay aad moodo in garabka wasiir Toorno gacanta wasiirka ay kusoo Celiyeen Page-kii wasaarada

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada wax barashada Somaliland ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii waxbarashada gobolka maroodi jeex oo uu utuhmay in uu yahay Garabka Wasiir Toorno, hase yeeshee maalintii ku xigtayba wasiir Toorno ayaa amray in uu gudoomiyahaasi shaqadiisa sii wato maadaama uu isagu horey u magacaabay.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo Agaasimaha guud ayaa warar hoose sheegayaan in Ay madaxtooyada Ugud biyeen warqad ay kaga cabanayaan qaabka Wasiir Toorno wax u waddo.

 

Ilaa Hadda Si Cad looma oga halka uu ka bilowday Khilaafkani is taajiyay Hawlihii shaqo ee wasaarada Waxbarashada Somaliland.


Loading...
Loading...