Dab Qasaare Geystay Oo ka kacay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

0
Wednesday February 23, 2022 - 12:34:40 in News by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Qasaare Geystay Oo ka kacay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

    Dadka qaar ee ku sugan degmada Balcad ayaa markii hore u qaatay in dagaal uu ka socda Xerada Ciidamada AMISOM ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka qaar ee ku sugan degmada Balcad ayaa markii hore u qaatay in dagaal uu ka socda Xerada Ciidamada AMISOM ee

Saldhigaan ayaa waxaa uu kuyaalla degaanka Haansheekh oo u dhow Tuulada Gololeey oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana degan Ciidamada Uganda oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


 

Wararka la helay ayaa sheegaya in dabka oo ka dhashay Koronto uu ku fiday Bakhaarada Hubka ee Ciidamada Uganda, waxaana dad ku sugan Balcad ay sheegeen inay maqlayeen qaraxyada rasaastii iyo hubkii yiilay bakhaarada.



 

Dadka qaar ee ku sugan degmada Balcad ayaa markii hore u qaatay in dagaal uu ka socda Xerada Ciidamada AMISOM ee Haansheekh balse markii dambe la ogaaday in uu dab ka kacay Xerada, kaas oo lagu guuleystay in la damiyo.


 

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Xerada Haansheekh ee duleedka Waqooyi ee degmada Balcad ayaan weli faah faahin dabkaas, balse la filayo in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Loading...
Loading...