Baarlamaanka Canada oo Muwaadin Somaliland u dhashay ku Amaanay Dedaaladiisa Ictiraaf-raadinta

0
Wednesday February 23, 2022 - 11:48:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1970
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Canada oo Muwaadin Somaliland u dhashay ku Amaanay Dedaaladiisa Ictiraaf-raadinta

    Dr Ciise ayaa qoraalkiisa sii raaciyey, "Tani waa sida awood-siinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Ciise ayaa qoraalkiisa sii raaciyey, "Tani waa sida awood-siinta



Baarlamaanka dalka Canada ayaa ku hambalyeeyey Aqoonyahan Cali Cabid Jaamac dedaalkiisa ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku daray dadkii ugu wanaagsanaa sannadkii dhammaaday ee 2021, oo magacyadooda laga hor sheegay fadhiga baarlamaanka, dhowaana abaalmarin la gudoosiin doono.


Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ku hambalyeeyey Aqoonyahan Cali Cabdi Jaamac dedaaladiisa aqoonsiga Somaliland ee Baarlamaanka dalka Canada ku qireen, waxaanu fariin uu ku baahiyey bartiisa rasmiga ah ee Twitter, waxaanu ku yidhi, "Waxaan jeclaan lahaa inaan shakhsi ahaan u hambalyeeyo aqoonyahan Cali Cabdi Jaamac, iyada oo uu Baarlamaanka dalka Canada ugu aqoonsaday dedaalka uu u galay horumarinta bulshada Somaliland.”



Dr Ciise ayaa qoraalkiisa sii raaciyey, "Tani waa sida awood-siinta bulshadu u shaqeyso. Si wadajir ah ayaan u guuleysaneynaa” ayuu yidhi Wasiir Dr Ciise.


Telefishanka Bulsho oo wareysi kala yeeshay Aqoonyahan Cali sababta magaciisa iyo Somaliland looga sheegay Baarlamaanka dalka Canada iyo waxa uu ku saabsanaa, ayaa ku jawaabay, "Dalka Canada iyo Maraykanka waxa jira bil la xuso waxqabadka dadka madow, ee Qaarada North America ku nool, markaa sannadkan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada Ottawa, waxaan ka mid noqday dadkii lagu hambalyeyeeyey waxqabadkii ay dadkooda u sameeyeen, annigana waxa la igu bogaadiyey dedaalka aan ugu jiro aqoonsiga Somaliland. Waa guul u soo hoyatay shacabka Somaliland guddo iyo dibed, waanan ku faraxsannahay. 

Shaqo badan ayaa inoo hadhsan, waxaan doonaynaa inaan wanaaga dalka caalamka ka iibino.”


Aqoonyahan Cali oo la weydiiyey hanaanka ay caalamka u gaadhsiiyaan aqoonsiga Somaliland, ayuu aqoonyahan Cali ku jawaabay, "Aduunku maanta wuu isku wada xidhan yahay, Somaliland-na horumarka & guulaha ay dhinac walba ka gaadhay maaha wax qarsoon, markaa dadka iyo siyaasiyiinta dalka Canada ku nool si weyn ayaan ula socodsiinaa, waxaanu u sheegnaa taariikhda dhabta ah ee Somaliland, kana baabi’inna taariikhdii beenta ahayd ee dawladii hore Soomaaliya caalamka gaadhsiisay.


 Imika jaaliyadda Somaliland ee dalka Canada xooga waxay saaraan sidii shacabka iyo siyaasiyiinta looga dhaadhicin lahaa horumarka Somaliland gaadhay iyo qadiyada ictiraafka. Waxa jira siyaasado badan oo ka socda geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika, markaa kuwa aad ayaan u derisnaa, kana shaqeynaa sidaan uga hortegi lahayn. Meel fiican ayey arrimaha aanu wadnaa gaadheen, natiijo fiican inay ka soo baxdo ayaan rajeynaynaa dhowaan.


Markii Baarlamaanka Canada shaaciyeen magacaaga iyo inaad ka soo jeedo dalka Somaliland, isla markaana kugu dareen dadkii ugu waxqabadka wanaagsanaa sannadkii tegay, siduu dareenkaagu noqday oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay,


"Muhiimada ugu weyn waxay ahayd markii magaca Somaliland laga sheegay Baarlamaanka Canada, dad badan oo dawlada ka shaqeeya ayaa ila soo hadlay oo ii sheegay, bulshada Somaliland guddo iyo dibed si weyn ayey ugu farxeen, una soo dhoweeyeen, shaqada abaalmarinta la igu siinayo dhowaan keligay ma qabanne, jaaliyadda halkan joogta ayaa wada qabatay. Ninka Baarlamaanka ka sheegayey si weyn ayuu qadiyadda Somaliland ula socdaa, waxaan ku dedaalaynaa inaan dalka ku soo martiqaadno, hadii Ilaah yidhaahdo.


Mar la weydiiyey xidhiidhka jaaliyadda Somaliland ee magaalada Ottawa & Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayuu ku jawaabay, "Hore xidhiidhkayagu ma adkayn, laakiin, markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise socdaalka ku yimi dalka Canada si weyn ayaan uga qeybqaadanay, una wada sheekaysanay, waxuu noo ballanqaaday inuu waxqabadkooda iyo dedaalada ay ugu jiraan aqoonsiga Somaliland ku xidhi doono Wasaaradda Arrimaha dibedda si weyn u wada shaqeyn doonaan. 


Waa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ugu horeeyey ee noogu yimaada dalka Canada, kulanna la yeesha jaaliyadda, hore waxa jiray mar Dr Edna noogu timi dalka Canada oo kulan la yeelatay Raysal-wasaaraha iyo Wasaarado badan oo dalka Canada ah, wareysiyo kala duwan ayaa laga qaaday. Imika Wasaaradda Arrimaha Dibedda xidhiidh cusub ayaa noo bilaabmay

Loading...
Loading...