Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaabay dalal ay kujirto Soomaaliya

0
Wednesday February 23, 2022 - 11:03:47 in News by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaabay dalal ay kujirto Soomaaliya

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing u soo magacawday in uu noqdo ergay uga wakiil noqon doona Geeska Afrika.

 

Wadamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

 

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana uu khibrad u leeyahay ka shaqeynta Afrika, Ameerika iyo Oceania, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

 

"Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha nabadeed ee Shiinaha ee gobolka kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo wadamada gobolka si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

 


Loading...
Loading...