Badhasaabka SOOL Oo Ka Hadlay Dadka Hubka Ku Dhexsita Magaalooyinka

0
Wednesday February 23, 2022 - 10:07:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka SOOL Oo Ka Hadlay Dadka Hubka Ku Dhexsita Magaalooyinka

    "Deegaamadani waxa aanu u kuur gelaynay xaalado nabad geliyo darr oo laga soo sheegayay ayaahaman"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Deegaamadani waxa aanu u kuur gelaynay xaalado nabad geliyo darr oo laga soo sheegayay ayaahaman"

Sool (HWN) Wefti uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa socdaal ku tegay deegaanka Dhagax is-guroow oo ka tirsan degmada Kalabaydh ee gobolka Sool.



Safarkaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay Taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool gaashanle Sare Cali Axmed Shire (Duuble), Xoghayaha gobolka Sool, maayarka degmada Kalabaydh iyo xubno ka mid ah golaha Deegaanka degmada Laascaanood.


Ujeedada safarkaasi ayaa ahayd u kuur-gelida deegaamayn cusub oo sharci darro ah oo laga sameeyay deegaamadaasi.


Weftiga badhasaabka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Waxgaradka, Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegamaadaasi.


Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, oo la hadlay waxgaradkii iyo bulshadii uu la kulmay ayaa ugu baaqay in la ilaaliyo nabad geliyada iyo wada noolaashaha bulshada.


Waxaanu badhasaabku ku adkeeyay bulshadda deegaankaasi in ay mamnuuc tahay in magaaladda gudaheedda lagu dhex qaato wax hub ah nooca uu doonaba ha ahaadee.


"Deegaamadani waxa aanu u kuur gelaynay xaalado nabad geliyo darr oo laga soo sheegayay ayaahaman, taasi oo sida ay dadku u buun-buuninayaan aan ahayn. Hada na Shaydaanku ka adeegi karro in ay si yarroo fudud wax u dhici karaan. Taasina waxaa keenaya Qoryahan ay dhalinyaradu laa-laadsanayso, ama ay sidato” ayuu yidhi badhasaabka Sool.


Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, "Mid Odayaasha ayaa odhanayaa, mid na Dhalinyaradda, dhalinyaradda waxaan leeyahay cida dhimanaysaa waa idinka, cidda dhaawacmaysaa waa idinka, odayga Cumaamadda lulaya ama reeraha isku dilayaa, maaha ka dhimanaya.


Waxaan idin odhan lahaa Qorigan aad Usha ka dhigateen, iska dhiga. Hadaad dhigi waydaan, nin walowba Geellaaga kula joog. Meel kastoo magaallo tahay, haba yaraatee Qori lagu dhex qaato ma aqbalayno, mana dhici doonto. Maalin walba waanu imanaynaa, todobaad kastaba waanu imanaynaa”.

Loading...
Loading...