Dhacdo Xanuun Badan Oo Aan Maanta La Kulanay.

0
Wednesday February 23, 2022 - 10:00:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Xanuun Badan Oo Aan Maanta La Kulanay.

    Abdirahman Sahal, Ayaa Qoray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdirahman Sahal, Ayaa Qoray.

Galabta abaaro 3:00 pm anoo maraya wada ka hor laabata Xarunta dembi baadhista ee C.I.D waxaa ishaydu qabatay Hooyo faadumo oo fadhida gidaar cidla ah isla markaana aad u ilmaynaysa gaadhigii aanu wadanay ayaanu kusoo kala jeedinay aniga iyo laba inan oo aanu saaxiib nahay waxaanu usoo degnay dhulka oo ah meeshii maamada ilmaynaysaa fadhiday waxaanu waydiinay Hooyo maxaa kugu dhacay .

 

Waxay noogu jawaabtay arin argagax nagu riday oo si wayn ubedeshay dareenkayaga 3 dayadi wada soconay ba .

 

 Waxay tidhi maamo " Waxaan dhalay 10 carruur ah oo agoon ah anaa ushaqayn jiray anigana Afar bilood kahor ayaa musbaar iga mudey mid kamida halbawlayaasha oo ah naaska shaqadii markaan wadi kari waayay na way i eryeen qoladii aan u shaqaynayay, maanta waxa halkaa i keenay kiradii guriga oo afar bilood isku kay gaadhay bil walibana ay tahay 130$ saaka qoladii guriga lahayd waxay igu dheheen hadaad guriga kusoo noqoto adoo aan lacagtii sidin carruurta banaanka ayaan kuugu daadinaynaa alaabtana waanu kaala hadhaynaa  , maanta oo dhan waan wareegayay meel aan wax ka doono markaan waayay waaniga halkaas ka ooyaya maamo

 

Nin wadada marayay ayaa isna gaadhigiisii kasoo degay  isagoo sheegay inuu maamadaas meesha ku dhaafay maanta abaaro 12:00

 

Intaas kadib waxaan waydiinay inay Number Zaad leh haysato way noo sheegtay inay haysto wixii aanu awoodaynay waanu ugu dirnay Asxaabta halkan iigu jirta waxaan ka codsanayaa maamadaas dhibtu haysato ay kusoo kaalmeeyaan waxay awoodaan numberkeeduna waakaas 0633222738

Abdirahman sahal


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...