Xildhibaan Khaliif Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In La Afduubay Wariye Maxamed Ilig
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Ahmed khaliif Jaamac Saalax oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay warar sheegayay in la afduubtay Wariye Maxamed Ilig iyo sidoo kale xadhiga Suxufi Coldoon.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu baahiyay oo arinkaasi kaga hadlayo uqoray sidan:-
Maxaa Ka Jira In Wariye Maxamed Ilig Lagu Afduubay Ceergaabo?
SALAMULA CALAYKA FIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN
Beenin War Been Abuur ah
Anigoo ah Xildhibaan Ahmedkhaliif Jaamac Saalax Isla Markaana ku Hadlaya Afka Dadka aan Metalo ee aan xildhibaanka uahay ,Waxaan Halkan Kubeeninayaa, Inaanay Jirin oo Sal iyo Raad Toona lahayn Warka Lasheegayo ee ah In Wariye Maxamed Cabdi Shekh (Ilig) Mohamed Ilig oo ah Mulkiilaha Tv ga MMTV oo hada kusugan Magaalada Ceerigaabo oo Layidhi ,Waxaa afduubeysa Beesha aan Matalo Kadib Markii Dad kala Duwan Ilasoo hadleen Waxna iga waydiiyeen ,Arrintaas oo Fajaciso Igunoqotey.
Waa Mid aan waxba kajirin ,Waana Been Cad . Mana Nihin ,Dhaqana Uma lihin ,Kumana Suntanin Dhaqanada Noocaas ah
Maxamedna waa Nin Dhalinyaro ah oo Saxafi ah oo Si wanaagsan Ugu shaqeeya Bulshadiisa, Inta badan Dhex dhexaad ka aha Arrimaha Siyaasadeed ee Wadankeena ka jira . Sabab Dhib loogu geysto Iskadaa inay dhacdee Xitaa Kuma Fikiri Karno.Degaan ahaan.
Waxaan Kale oo aan rabaa inaan Halkan Ku cadeeyo Arrinta Cabdimaalik Inaanay Dadka Qaar siyaasadeynin .Waan ku Celinayaa Cabdimaalik SH Muuse Coldoon Cid iiga Xogogaalsan Arrintiisa Majirto ,Mana ah Nin Reer ama Qabiil Gaar ah Uxidhan ee waa nin Dawladiisa iyo Qarankiisa Uxidhan .
Sidaan Hore Idinku Sheegeyna Arrintiisa Meel Fiican bay mareysaaa
,Dhawaana Cadaalad buu Heli doonaa
Wabilaahi Tawfiiq
Xildhiban Ahmed khaliif Jaamac Saalax