Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay deedka Garoowe

0
Tuesday February 22, 2022 - 13:39:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay deedka Garoowe

    Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dadka ku dhaawacmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dadka ku dhaawacmay



Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeeiyooday laba kalena waa ay dhaawacmeen kadib shil gaari oo Maanta ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee Gobolada Nugaal & Bari.


Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca raaxada ah oo ka baxay Magaalada Garoowe kuna wajahnaa Magaalada Boosaaso uu ku rogmadaylaamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal.



 

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dadka ku dhaawacmay shilka gaari ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe, si loogu daaweeyo kadib markii ay gyrmad ka heleen Bulshada kunool tuulada Xaaji Kheyre ee Gobolka Nugaal.


Saraakiil ka tirsan Ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan sababta keentay shilka, iyaga oo xiray wadihii Gaariga rogmaday.


Wadada xiriitisa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee Gobolada Nugaal & Bari ayaa bilihii la soo dhaafay ku batay Shilalka Gaari, iyada oo todobaadkii ugu yaraan hal jeer uu ka dhaco shil Gaari.

Loading...
Loading...