Ramadaantu Waa Tiir Maanso Hal Abuur Qoraa Xamse Riiraash
Ramadaantu waa tiir,
Islaanimo u taagan, waa taabo nololeed,
ajri iyo tawaab iyo,
laga hello wax toganoo,
ruuxii u taabo galoo,
taabta kheyrkeeda oo taxa ,
ayaa tiriig baxa ka hella’ee
janada la taga oo ,
tacab badan la galiyeey
tagisteeda u sahal tahee,
u taagnaada kheyrkoo,
ku tartama wanaagoo,
tasbiixdiyo tadkiirtiyo
qur’aankea tayeeyoo,
toosiya oo akhriyoo,
ku tallaala kheyrka.
Hamse riiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...