Waar Yaa Yidhi Albaabka Ruushka Maynaan Garaacin ?

0
Tuesday February 22, 2022 - 09:38:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waar Yaa Yidhi Albaabka Ruushka Maynaan Garaacin ?

    W/Q: Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaysar Maxamed

Halkani waa  Jamhuuriyada Crimea oo Ruushku uu ka faro-maroojiyay dalka Ukraine sanadkii 2014. Waxaana Shacbiga reer Crimea oo badankooda asalkoodu uu Ruush yahay ay qabsadeen Afti dadweyne 16kii March 2014 oo ay ku dhawaaqeen inay yihiin Jamhuuriyad Madaxbanaan, waxaanay imika wax la qaybsadaan oo ay ka mid yihiin Dawlad Goboleedyada Federaalka Ruushka. Laakiin Dunida waxay u aqoonsan tahay inay tahay dhul ay Ukraine leedahay oo xoog lagu haysto.



Madaxweyne Vladimir Putin ayaa hadana caawa mar kale Ukraine ka xoogaya labada Gobol ee Donetsk iyo Luhansk People's Republic oo iyaga laftoodu  madax banaanidooda  ku dhawaaqay sanadkii 2014, waxaanay lahaayeen jabhado uu Ruushku  taageero oo imika gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah goboladaas uu caawa Ruushku Madaxbanaanidooda . Dagaalkaas oo ay Jabhadahaasi kula jireen wadanka Ukraine ilaa sanadkii 2014 waxaa lagu qiyaasaa inay ku dhinteen dad gaadhaya 14,000 kun oo qof.


Sanadkii 2019 ayaan booqday Gobolka Crimea oo aan shir kaga qayb galay, kulana kulmay madax badan oo uu ka mid yahay hogaamiyaha Crimea iyo weliba madax kala duwan oo ka tirsan Dawlada dhexe ee Ruushka.


Inkasta oo aanay wax weyn soo kordhiynayn Aqoonsiga uu imika Ruushku u fidiyay Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Luhansk, oo dunidu aanay aqoonsan doonin sida imikaba aan Crimea cidina u aqoonsan, hase yeeshee waxay artintani waji cusub u furaysaa labada quwadood ee Ruushka iyo Reer Galbeedka, waxaana laga yaabaa inuu dib u curan doono dagaalkii qaboobaa ee jiri jiray wixii ka horreeyay sagaashanaadkii. Waxaana dhici karta in arrimahani ay fursado fiican u furaan Jamhuuriyada Somaliland iyo meelo kale oo badan oo ay Dawladaha reer Galbeedku kula shaqaynayeen siyaasado dabaal-joogtayn ah.


Ugu danbayn iyada  oo laga yaabo in arrimahan soo kordhay ay saameeyn taban ku yeeshaan dhaqaalaha iyo nabada dunida, hadana waxa ka dhalan kara fursado la odhan karo waar armay laba qaylo dhexdood  qado noogu jirtaa !


W/Q: Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...