Aynu u Ducayno. Waxaa Qoray Xamse Cumar Kujoog

0
Tuesday February 22, 2022 - 09:32:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aynu u Ducayno. Waxaa Qoray Xamse Cumar Kujoog

    "Cunto Kasta Oo Ay Cunaan, Waxay Kor ugu Baxaysaa Maskaxda"....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cunto Kasta Oo Ay Cunaan, Waxay Kor ugu Baxaysaa Maskaxda"....

Waxa ay ahayd  6 bilood kahor markii aan idinla wadaagay xaaladda Hoodo iyo Habboon.



Intiinnii sheekadooda ogayd mooyee inta kale aan ugu celiyo waayo Hoodo iyo Habboon?

Waa laba hablood oo mataano ah, hadda waa 2 sano iyo dhawr bilood, labada hablood waxa ay dhasheen iyaga oo aan lahayn dhanxanagga saqafka u ah afkeenna, cunta kasta oo afkooda gashaana waxa ay kor ugu baxaysaa dhankaas iyo maskaxda oo dabool ka celiyaa aanu jirin.


Dhanka kale labada ubad ah waxa ay ku dhasheen xaalad kale oo cajiib ah, qofka aadamaha ah jidhkiisu waxa uu leeyahay bawdyo u dhaxeeya miskaha iyo jilbaha, qaddarka Ilaahay labada ubad ah maleh bawdyo, waxana isku dheggan miskaha iyo jilbaha.


Waxa aan u kuur galnay meel kasta oo lagu sheegay dhakhaatiir wax ka qaban karta xaaladdooda, Muqdisho, Nairobi iyo Addis Ababa ayaa ugu danbayn jaanisyadii kusoo uruureen.


Intaas kaddib kala xidhanka dunida ka dhacay ayaa saameeyey oo meelo dhawr ah oo dhakhaatiir lagu sheegay waan u diri kari waynay. Ugu danbayn Addis Ababa ayaa dhakhtar wanaagsan oo dhenxanaga tola lagu sheegay, inuu hore hawshaas inbadan u qabtayna waa lasoo weriyay, jidhkooda inuu car uga jarayo oo ku tolayo ayaa naloo sheegay, rag dhallinyaro ah oo Soomaali ah, dhakhaatiirna ah ayaa hawshaas ila soo wadaagay, muddo kaddibna Ilaahay ayaynu la kaashanaynaa.


Hoodo iyo Habboon maanta ayaan ku booqday Addis Ababa, waxa aan ku wareejiyay walaalkay #Dr_Munasar_Camuud oo hawshaas dhabarka u ritay, sidoo kale safaaradda Somaliland ee Addis iyo Safiir #Awad_Cawad ayaan hawshaas la wadaagay, qarash wixii ay u baahnaayeen oo aan muddadaas u hayayna waan gaadhsiiyay, usbuucanna idam Alle qalliinkaas ayay galayaan, duco iyo baryo Rabbi ayaynu ku kaalmayn doonnaa. Ilaahay ha u fududeeyo, intii wax soo baxsatayna abaalkoodq janno ha ka yeelo.


War caddaaday.

Waxaa Qoray Xamse Cumar Kujoog.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...