Dhakhtar Hargeysa kuyaala oo Qoys lacag kaga qaadayay Qof 4 Cisho ka hor Geeriyooday oo ay ICU-ga ku haysteen.

0
Tuesday February 22, 2022 - 09:28:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar Hargeysa kuyaala oo Qoys lacag kaga qaadayay Qof 4 Cisho ka hor Geeriyooday oo ay ICU-ga ku haysteen.

    W/Q Umalkhayr Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Umalkhayr Xasan

2019 waxa naga soo martay dhakhtarkan oo ku yaala hargeisa qiso aad u xunuun badan waxa naga xanuunsatay inaabtiday mudo 4 cisho ah oo ay bugtay ka dib waxa aanu gaynay khatar ku yaala hargeisa oo ah ku gaarka loo leeyay markii ay taalay ayaamo ayaa naloo gudbiyay hargeisa internatonal oo ay nagu dheheen waxay u baahantay ICU oo xaaladeedu way culustay waanu layaacnay waanu gaynay mudo kooban oo ah ilaa saacad ayaanu joogay emergeny ga markiiba waxay dhigeen ICU ga oo ah lacag aad u badan Halkii habeenba 120 dollar markay wax yar oo sacado ah ku jirtay ayay geeriyootay inantayadii waxay nagu yidhaaheed hada way ladantay iyada oo mayd ah ayay ku jirtay 2 Habeen iyo 3 maalmood oo ay hoobale bilaash noo qaadayeen markaanu waydiino way ladantay oo hada waa alx uun ay nalahaayeen ee soo iibiya dawada dhiig ayaanu ka qaadaynaa ee soo bixiya lacagta inta ay kolba warqad noo keenan ugu dambayntii waanu isku qaylinay ka fura ayaanu ku nidhi waa mayd way nadiideen idinku ka fura annagu masuul kama nihin wixii yimaada ayay nagu yidhaahdeen waanu walaacnay annaguna maalin kale ayaanu ku sii haynay meeshii oo qof walba yidhi yaynaan ka saarin ee daaya inta naftu ku jirto.



ugu dambayntii wiil dhakhtar ah ayaa noo yimid oo aanu famlali nahay oo ka yimid adiss ababa isaga ayaa soo eegay xaalada dhabta ah noona sheegay inay mayd tahay inantu meesha ay iskaga hayaan oo ay lacag uun rabaan waanu ka soo saarnay iyada oo qalashay xitaa waa la kanfi kari wayay waalahi way kala tagtay meel walba waa laga dalooliyay xaalad xun ayaa soo martay maydkaa ilaa hada markaa maqalo magaca dhakhtarkaasi waan ilmeeyaa wlaahi.


cawa waxa igu kaliftay markaan arkay qisada ilmaha yar ee amaani

waaba tii anaga nagu dhacday oo kle

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...