"Xorriyatul Qawlka Deegaankeenna Ka Jira, Ingiriis Iyo Maraykan Toona Kama Jirto…." Madaxweyne Mustafe Cagjar

0
Tuesday February 22, 2022 - 09:17:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xorriyatul Qawlka Deegaankeenna Ka Jira, Ingiriis Iyo Maraykan Toona Kama Jirto…." Madaxweyne Mustafe Cagjar

    "Xorriyatul Qawlka Deegaankeenna Ka Jira, Ingiriis Iyo Maraykan Toona Kama Jirto…." Madaxweyne Mustafe Cagjar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xorriyatul Qawlka Deegaankeenna Ka Jira, Ingiriis Iyo Maraykan Toona Kama Jirto…." Madaxweyne Mustafe Cagjar


Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.
President Mustafe Cagjar showed Eloquence & Experience with Universal TV interview | Somaliland Standard


Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida ayna ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in waddamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka.

Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xadhiggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fursan waayana qofkii la xidho.

Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku ayna hore ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo.

Xorriyadda hadalka ayaa degaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billawday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka.

Loading...
Loading...