Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Djibouti oo Kulan Yeeshay Xilli ay jiraan Xaalado Siyaasadeed oo isa Soo taraaya

0
Tuesday February 22, 2022 - 09:07:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Djibouti oo Kulan Yeeshay Xilli ay jiraan Xaalado Siyaasadeed oo isa Soo taraaya

    Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Djibouti oo Kulan Yeeshay Xilli ay jiraan Xaalado Siyaasadeed oo isa Soo taraaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Djibouti oo Kulan Yeeshay Xilli ay jiraan Xaalado Siyaasadeed oo isa Soo taraaya


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ka kooban Golihiisa Wasiirrada, ayaa Isniintii shalay Safar Shaqo ugu amba-baxay Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.


Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka dambeeyey kadib markii uu marti-qaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.


Md Muuse Biixi iyo Weftiga Golaha Wasiirrada oo Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa ka raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti, ayaa markii uu gaadhay garoonka diyaaradaha Djibouti ee caasimadda dalkaas, waxa qaabilay Raysal-wasaaraha Dalkaas oo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo oo xambaarsan meeqaamka xurmaynta iyo qaabilaadda madaxda.

Soo-dhaweynta kaddib, waxa Md Muuse Biixi Cabdi qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana halkaas uga bilaabmay kulan aanay warbaahintu goobjoog ka ahayn waxyaabaha ay labada dhinac kaga wada-hadleen iyo ujeeddada uu xambaarsan yahay marti-qaadka uu fidiyey Md Ismaaciil Cumar Geelle.

Lama oga ilaa hadda waxyaabaha ay ka wada-hadleen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Djibouti, haseyeeshee socdaalka Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmo kooban ka soo wareegeen wax lagu tilmaamay Qorshe Afgembi oo dowladda Djibouti fashilisay.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii toddobaadkii hore Xabsi Guri la geliyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jabuuti Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax iyo Taliyaha Milatariga ee Jabuuti General Daahir Cali Maxamed, kuwaas oo lagu amray inaanay guryahooda ka bixin, sida ay sheegtay idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga.

Wararka arrintan la xidhiidha ayaa tibaaxay in Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga ee Jabuuti looga shakiyay qorshe ka dhan ah madaxweyne Geelle, islamarkaana ay doonayaan in awood Ciidan Xukunka kaga wareejiyaan Madaxweynaha muddada 20-ka sanno ka badan soo Xukumayey dalkaas.

Taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Milatariga ee Jabuuti oo ay weheliyaan Taliyaha Ilaalada madaxtooyada iyo Xeebaha ee Djibouti, ayaa markii u horeysay si-wada jir ah uga soo qayb-galay Xaflad ballaadhan oo magaalada Hargeysa loogu qabtay xuska sannad-guurada 28aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa socdaalka uu ku tagay dalka Jabuuti ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Waxa xusid mudan inay weftiga Madaxweynaha ka sii horeeyeen xubno ka tirsan La-taliyeyaashiisa oo ay ka mid yihiin siyaasyiinta caanka ah ee Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cali Maxamed Warancadde.

Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Jabuuti oo aan hore loo sii shaacin isla markaana u muuqday mid kedis ah, ayaa marka laga yimaaddo tiraba dhowr jeer oo uu socdaal ku tagay dalkaas, waxa uu noqonaya markii saddexaad ee uu ku tago Djibouti marti-qaad rasmi ah oo Md Ismaaciil Cumar Geelle u fidiyey tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada sannadkii 2017-kii ka qabsoontay Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo kaddib markii loo dhaariyey xilka madaxweynaha, waxa uu safarkiisii ugu horreeyey ugu kicitay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti bishii January, 2018-kii, waxaanu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle oo soo-dhaweyn meeqaamkeedu sarreeyo ku qaabilay.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dalka Djibouti ku tagay marti-qaad uu ka helay Madaxweynaha Dalkaas September sannadkii 2019-kii iyo bishii December sannadkii 2020-kii, kuwaas oo labada madaxweyne arrimo door ah oo danaha labada waddan khuseeya kaga wada-hadleen.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay dalkas Djibouti iyo kulanka dhex-maray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku soo beegmaya xilli aanay deggenayn xaaladaha siyaasadeed iyo Amni ee Gobolka, iyadoo Dagaallo ka socdaan gudaha dalka Ethiopia, isla markaana ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay isku-bahaysanayaan Qoomiyadda Canfarta ee degta dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea.

Loading...
Loading...