Rag Waa Meel Xun Joog.

0
Monday February 21, 2022 - 22:47:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag Waa Meel Xun Joog.

    Waxa Qoray Ahmed Xaraas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray Ahmed Xaraas

Maanta abaaro 2:14pm anigoo alaab ka iibsanaya bukhaarka shafeec  trading company ee kuyaalsuuqa hoose ee Hargeisa, ayaa markaan hawshaydii iibka dhamaystay waxaan damcay inaan iska tago oon gaadhi vitz ah oon watay kaxaysto, sidaa markaan gadhigi ugalay waxan ku war helay in lagala baxay muraayad haayada bidix ee gaadhiga. waxaan gudaha ugalay bakharka waxaanan ka codsaday in camerada bakhaarka la iibaadho cameradi ,anagoo eegayna ayaa waxa kasoo baxay ninkaa dhalinyarta ah oo far iyo suul kusaaray, waxaana ka caawiyay muraayad haada oon lahayn security amba biraha ka ilaaliya in laxado, wanu  aqoonsan waynay tuuga kadib waan duubtay what is upka ayanan ku dirsaday.



 Xaga suuqa ayaan ukacay dhawr qof ayaan daawadsiiyay dadki mid kamida ayaa gartay waxaanu isiiyay lambarkiisa iyo mesha laga helo nasiib daro telki muuqaban sadex jeer oon meeshi tagayna waan ka waayay.


 Anigoo total maraya waxa isoo wacay ninki gartay tuuga waxaanu igu war geliyay inuu goobtu fadhiyo waxaan utagay isagoo fadhiya waxaan ka codsaday inuu gaadhi iigu xidho beersool  saldhiga dhexe waxba iimu jirin inaan xidho ayaan rabay lakin ninki gartay ee iga caawiyay inaan helo ayaa isku kay duubay oo iga codsaday inaanan xidhin waxaanu tuugu ku muusanaabayay inuu Afar ciyaala leyay oo saaka wuxuu siiyo uusuuqa kawaayay muraayadii fartu iga saaray waxaanu yidhi xaal marin waxaan kaaga dhigayaa inaan kuugu xidho securityga iska adkee baan kuidhi gaadhigaygana gawaadhida kabaro wanan cafiyay, waan unasteexaynay carurtana xaaraan ha ushaqayn baan kuidhi waxaanu bartii kaga dhaartay inay maanta ugu dambayso.


Jawaabtii cilmiyo qays

Muxuu jaahil ka ogyahay.

Waxa Qoray Ahmed Xaraas

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...