Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

0
Monday February 21, 2022 - 15:43:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

    Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca



Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.


Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha ah.



 

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Wefdiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.


Dhinaca Jabbuuti waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, M Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.

Loading...
Loading...