Riwaayaddii Rumowday.

0
Monday February 21, 2022 - 12:10:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riwaayaddii Rumowday.

    Waxa ay caan ku noqdeen ruwaayad ay ku wada jilayeen lammaane is qaba oo nolol waayeheed isla soo maray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay caan ku noqdeen ruwaayad ay ku wada jilayeen lammaane is qaba oo nolol waayeheed isla soo maray.



Imikase ruwaayad ma ahane si run ah ayay reer u noqdeen ka dib markii saaka meherkoodu dhacay.

Guurka iyo jacaylkuna waxa ay ugu qiimo badanyihiin malahayga marka calafkaaga aad shaqo, ama wax barasho ama wax la mid ah aad muddo dheer ku wada qaataan iyada oo aan xidhiidh idinka dhaxayn oo midna aanu midka kale iska dhaadhicinayn illeen damacba kagama jireen.


Markaas oo kale qofka ayaad si dhaba u baranaysaa, jacaylkuna waxa uu ka abuurmaa u bogista shaqsiyadda qofka oo aan buunbuunin ku jirin.


Waa tii aan idhi oo kale meerisyadan

Wanaaggiibaa is rogay

Walaalnimadii ka dhigay

waxyeello kaloo jacayl.

Cabdiqani isku filan iyo Ikraan waxa aan ku hambalyeynayaa tixdan.

Markay laba aad qalbiga

Indheer iska soo jeclaa

Misana isu uursamaa

Sidiina aroos galaan

Allaylehe waan farxaa.

Markay laba aan ogaa

Ayaamaha qaar jacayl

Dartii isu ooyi jiray

Sidiinaa aqal galaan

Allaylehe waan farxaa.

Kalsooni adkaatay iyo

Markay laba aaminaad

Ilaalisa soo lahaa

Sidiinaa aqal galaan

Allaylehe waan farxaa.

Markay laba aan aqaan

Inay iinsaan goboo

Yihiin aan iin lahayn

Sidiina aroos galaan

Allaylehe waan farxaa.

Agtayda dad qiimaliyo

Markay laba aanu nahay

Asxaab aan kala hadhayn

Sidiina aroos galaan

Ayaan aniguna farxaa.

Markay laba edeb badnaa

Akhlaaqdana lagu ogaa

Oo aadmigu wada jeclaa

Sidiina aroos galaan

Allaylehe waan farxaa.

Walaalnimadaan ogaa

Abqaalkeedii ma dhalay

Jacayl iyo aqal horlooy

Ikraan iyo wada galeen

Cabdiqani iskufillan.

Allow barakee Allow.

Awlaad badan sii Allow.

Abaar ka fogee alloow.

Adduun ku mannee Alloow.

Iblays ka fogee allow.

Jacaylkoodana adkee.

 

W/Q: Siddiiq Burmad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...