Afar Arrimood Ka Ogow Dhismaha Cusub Ee Ugu Dheer Itoobiya

0
Monday February 21, 2022 - 08:24:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Arrimood Ka Ogow Dhismaha Cusub Ee Ugu Dheer Itoobiya

    "Dhismahan xarunta u ah Bangiga Ganacsiga Itoobiya ayaa dhirir ahaan dhan 198 mitir"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhismahan xarunta u ah Bangiga Ganacsiga Itoobiya ayaa dhirir ahaan dhan 198 mitir"

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axadii hore xariga ka jaray dhismo casri ah oo xarun u noqonaya Bangiga Ganacsiga Itoobiya, kaasoo ku yaalla bartamaha caasimadda Addis Ababa.



Daarta oo la dhisayay muddo ku dhaw lix sano ayaa waxa ay noqotay kan ugu dheer dalkaas iyo tan labaad ee ugu dheer Bariga Afrika. Waxaa dhisay shirka Shiinaha laga leeyahay.


Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Afar arrimood oo u gaar ah dhismahan hadda ugu dheer dalka Itoobiya.


Kharashka ku baxay

Dabaqa oo ay dhistay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee China State Construction Engineering Corporation (CSCEC) ayaa wuxuu ku kacay lacag dhan 303.5 milyan oo dollar, sida uu shaaciyay wargeyska Business Insider. Itoobiya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir ganacsi oo qoto dheer. Shiinaha iyo qaaradda Afrika ayaa sanadkii la soo dhaafay kala iibsaday badeecooyin iyo adeegyo ka badan 23.8 bilyan dollar.


Dhirirka Dhismaha

Dhismahan xarunta u ah Bangiga Ganacsiga Itoobiya ayaa dhirir ahaan dhan 198 mitir, waxaana uu ka kooban yahay 52 dabaq, halka hoosna uu u qodan yahay 20 mitir. Waxaa ku yaalla xafiisyo iyo xarumo kala duwan, goobo lagu shiro iyo meel loogu talogalay in magaalada inteeda kale laga daawado.


Dhismaha mataanta la ah

Inkastoo dhismahan uu yahay kan labaad ee ugu dheer Bariga Afrika, hadda ma aha kan ugu dheer ee ay shirkadda CSCEC ka dhisto qaaradda. Dhismo ku yaalla Masar oo dhirirkiisu yahay 385.8 mitir ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kan ugu dheer Afrika, waxaana dhisay isla shirkaddan Shiinaha laga leeyahay.


Shaqo abuurka

In ka badan 3000 oo shaqooyin ayaa la sheegay inuu abuuray dhismaha cusub, ayna si weyn uga faa'iideysan doonaan dadka Itoobiyaanka ah. Dhismaha ayaa astaan u ah xiriirka sii xoogeysanaya ee Shiinaha uu la leeyahay Itoobiya. Furitaanka dhismaha cusub ayaa lagu soo beegay sanad guuradii 80-aad ee markii la asaasay Bangiga Ganacsiga Itoobiya.

 

 

BBC

Loading...
Loading...