Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Dhalinyaradda u soo jeeddiyay Ilaalinta Qarankoodda

0
Sunday February 20, 2022 - 21:14:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Dhalinyaradda u soo jeeddiyay Ilaalinta Qarankoodda

    Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Dhalinyaradda u soo jeeddiyay Ilaalinta Qarankoodda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Dhalinyaradda u soo jeeddiyay Ilaalinta Qarankoodda


Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta dhalinyaradda Somaliland.


Iyadoo ay maanta ku beegnayd 20-ka bisha February, oo qaranka ugu suntan maalintii Dhagax Tuurka oo ku beegnayd 20-kii bishii February ee sanadkii 1982-kii.


Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xuskaasi oo lagu qabtay fagaaraha beerta Xorriyada Hargaysa, ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

20-ka bisha February ayaa ah maalintii dhalinyaradii aqoonyahanka ahayd ay ka gilgisheen tacadiyadii iyo dilkii uu shacabka Somaliland, ku hayey taliskii Maxamed Siyaad Barrr. Ururkan dhalinyarada ee UFFO, ayaa Somaliland, ugu jira meel wayn iyo taariikh muhiim ah oo lama iloobaan ah.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo isu soo baxa beerta Xorriyada khudbad ka jeediyey ayaa ka waramay muhiimada ay Qarankan u leedahay maalintani.

Isagoo si qoto dheer uga waramay halkankii loo soo galay Qaranimada iyo madaxbaanida Somaliland. Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka hadlay taariikhda ay dalkan ku leeyihiin dhallinyaradii Ururkii UFFO, oo sanadkii ba maalintan oo kale la xuso taariikhdooda iyo halkanka ay ku suntan yihiin.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ay Somaliland ay marayso meel aad u fiican oo uu muuqdo aqoonsigii aynu mudada dheer sugaynay.
Waxaanu wasiirku dhallinyarada kula dardaarmay ilaalinta Qaranimada Somaliland iyo wada jirka Bulshada Somaliland.

Loading...
Loading...