Maayar Ku-Xigeenka Laascaanood Oo Caawimo Biyood Kala Wareegay Sahamiye Foundation

0
Sunday February 20, 2022 - 17:50:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Ku-Xigeenka Laascaanood Oo Caawimo Biyood Kala Wareegay Sahamiye Foundation

    Maayar Ku-Xigeenka Laascaanood Oo Caawimo Biyood Kala Wareegay Sahamiye Foundation

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar Ku-Xigeenka Laascaanood Oo Caawimo Biyood Kala Wareegay Sahamiye Foundation


Hargeisa(HWN):-Maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar, ayaa maanta caawimo biyood oo loogu tallo galay bulshadda gobolka Sool kala wareegay haayadda Sahamiye Foundation.



Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kawte), maayar ku-xigeenka Laascaanood kana mid ah guddiga gurmadka abaaraha gobolka Sool ayaa caawimadaasi kala wareegay masuuliyiin ka socday shirkadda Sahamiye Foundation.

Caawimadaasi biyaha ah ayaa loogu tallo galay dadka ay abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee ee gobolka Sool, taasoo dhamayd 2000 oo Booyadood.

Maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kawte), ayaa haayadda Sahamiye Foundation uga mahad-celiyay kaalmadani Biyood ee ay soo gaadhsiiyeen bulshadda gobolka Sool.

Loading...
Loading...