Xildhibaan Qodax Oo Caawimo Biyood Gaadhsiiyay Deegaamo Ka Tirsan Salaxley

0
Sunday February 20, 2022 - 15:29:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qodax Oo Caawimo Biyood Gaadhsiiyay Deegaamo Ka Tirsan Salaxley

    Xildhibaan Qodax Oo Caawimo Biyood Gaadhsiiyay Deegaamo Ka Tirsan Salaxley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Qodax Oo Caawimo Biyood Gaadhsiiyay Deegaamo Ka Tirsan Salaxley


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan(qodax), oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Biyo dhaamis iyo kormeer ka sameeyay deegaamo ka tirsan degmadda Salaxley.



Waxaannu Xildhibaanku socdaal-dheer ku gaala-bixiyay deegaanno hoos yimaadda Degmada Sallaxley iyo deegaanno kale oo ka tirsan Dawlad deegaanka Soomalida.

Xildhibaanka ayaa u kuur-galay xaaladda abaareed ee ka jirta deegamadaasi iyo nolosha bulshada ku dhaqan.

Xildhibaan Qodax, ayaa indhihiisa kusoo arkay abaaraha baaahsan ee ka jirta jiidaas, taas oo ah biyo la’aaan iyo baadka oo gabaabsi ah.

Xildhibaanka ayaa gaadhsiiyay Deegamadaas deeq biyo ah oo ka kooban 25-booyadood.

Deegaamada la gaadhsiiyay ayaa sidan soo socota u kala helay biyaha, iyadoo mid walba lagu dabaqayay duruurfteeda biyo-la’aaneed.

1: Ina Guuxaa = 4 Booyadood.
2: Qoolbuulalle = 6 Booyadood
3: Balli Cabdi = 3 Booyadood
4: Burco-duuray= 5 Booyadood
5: Rabaso = 5 Booyadood
6: Libaax-qawdhama = 2 Booyadood

Xildhibaanka oo bulshada u khudbadeenayay deegaan kasta oo uu tago, ayaa bulshada u sheegayay in deeqdani tahay hordhac, isla markaana ay u maqan-yihiin, gurmadkuna uu noqon-doono mid is daba jooga inta abaaruhu jabayaan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in uu damiirku siin-waayay in uu iska fadhiyo hudheellada Hargaysa iyadoo dadkiisiina ay haraadan-yihiin.

Geesta kale waxaa iyaguna dhankooda hadlay Odayaasha Deegamadaasi oo ka dareen-celiyay Deeqdan biyo ah, waxaanay u mahad-naqeen Xildhibaan Qodax, iyagoo ku tilmaamay xildhibaanka, la dareen ah dadkiisa, noqdayna Masuulkii u horreeyay ee inta ay doortaan dib ugu soo noqda.

Loading...
Loading...