Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamuj lagu Hubinayo Casriyeynta Xogta Cod-bixiyaha

0
Sunday February 20, 2022 - 14:09:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamuj lagu Hubinayo Casriyeynta Xogta Cod-bixiyaha

    "waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi"

Hargeysa (HWN) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay Barnaamujka tijaabada hannaanka lagu hubinayo xogta cod-bixiyaha (Biometric voter verification), kaas oo ah qorshe Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ku casriyeynayo Diiwaangelinta cod-bixayayaasha Doorashooyinka Somaliland.

 

Madax katirsan xisbiga KULMIYE, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka,  Diblumaasiyiin ajaanib ah oo uu kamid yahay safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Barnaamujkan, waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi.


Loading...
Loading...