Fahad Yaasiin oo xildhibaan loo doortay

0
Sunday February 20, 2022 - 13:55:55 in News by
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahad Yaasiin oo xildhibaan loo doortay

    Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmed.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa xildhibaanimo loogu doortay la taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo mudane Fahad Yaasiin.


 

Fahad waxa uu heley 70 cod, halka musharax Axmed Dayib Axmed uu heley 24 cod, 3 codna ay halaabeen sida uu shaaciyay guddiga doorashada Hirshabeelle.



 

Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmed.


 

Kursiga tirsigiisu yahay 086 waxa horey ugu fadhiyay Faarax Cabdiqaadir oo aan illaa iyo hadda warbaahinta la hadlin, tartankana aanan ka qeybgalin.


 

Meeshii lagu dooranayay Fahad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.


 

Mar sii horeysey saakay, war lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada heer federaal ay hakiyeen kursiga 086 ee Fahad loo doortay maanta.


 

Waxaa kale oo maalmahan jirey isqabqabsi u dhaxeeya guddiyada heerarka kala duwan oo ku saabsan kursigan.

Loading...
Loading...