DEG DEG Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamuj lagu Hubinayo Casriyeynta Xogta Cod-bixiyaha

0
Sunday February 20, 2022 - 12:52:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamuj lagu Hubinayo Casriyeynta Xogta Cod-bixiyaha

    siyaasiyiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Nuur Faahiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

siyaasiyiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Nuur Faahiye

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay Barnaamujka tijaabada hannaanka lagu hubinayo xogta cod-bixiyaha (Biometric voter verification), kaas oo ah qorshe Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ku casriyeynayo Diiwaangelinta cod-bixayayaasha Doorashooyinka Somaliland.



Madax katirsan xisbiga KULMIYE oo uu kamid yahay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen, (Axmed Cabdi-dheere), ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga, Mudane Xuseen Aadan Cadde, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, 


Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), xoghayaha garabka Haweenka Heer Qaran, Marwo Sahra Saleebaan, Afhayeenka Xisbiga, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), Xoghayaha saxaafadda, Mudane Cali Jaamac Maxamed, 

siyaasiyiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Nuur Faahiye,wasiirka wasaaradda horumarointa Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cabdinaasir Caydiid, masuuliyiin kale, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka, 

 Diblumaasiyiin ajaanib ah oo uu kamid yahay safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Barnaamujkan, waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi.
Loading...
Loading...