Madaxweyne Ciro Dabaddii Ayaa La Isku Heysta Ujeedada U Weynina Waa Xirsi Diid.

0
Sunday February 20, 2022 - 12:10:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ciro Dabaddii Ayaa La Isku Heysta Ujeedada U Weynina Waa Xirsi Diid.

    Waayo. Muuse Dabadii Marnaba Xaashi Madaxweyne-Nimo Kuma Soo Baxi Karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayo. Muuse Dabadii Marnaba Xaashi Madaxweyne-Nimo Kuma Soo Baxi Karo

Gudomiye Xirsi. Rag hortii buu Tigidhka Goostey.

Sahankiisuna Waa Inuu Noqddo Madaxweynaha

Abdirahman Ciro Ku xiga.



Sababtuna Waxa Weeye degaanku ka soo jeeda. Fursadd ey Madaxweynimo kaga dhaxlaan uma baanana marka la eego Milqiyaska doorashoyinka Madaxtoyadda ee Somaliland.


Waxa kale oo xusid Mudan Madaxweyne Muuse waxu dhaxley. Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxweyne ah ayaa xisbiga ku warejiyey oo Xisbul-xaakim baa dhisey. Sidaasey guushu ku raacdey.


Hadaba Saxiibkii Mohamoud Xashi. Haduu kulmiye isleeyahey dhaxal. Waxa horyaal. Xukumadda Waddani ah oo Ciro Madaxweyne ka yahey oo Sidii Muuse bixi dhiseysa, Gudomiye Xirsi. Waayo Muddane Ciro. Haduu 5 tiisa sano dhameysto. Maaha nin marlabaad ordaya.


Sidaas markey shaxddu tahey, Madaxweyne Muuse waxu qudha uu rabaa in aan Xisbiga kulmiye saaxadda ka baxin. Sidda ey ka codsadeen ragga damaca leh ee tageersan in xisbiga kulmiye ey dhaxlaan muuse dabaddii.

Madaxweyne Muusena waxu rabaa inuu ku guuro Mr. Hashi, Kuna helo ugu yaraan muddo kordhin hadeyba usuurta gasho.


Markaan sidaas isu barbardhigno. Labaddan Siyaasi ee Besha bariga Burco keeba saaran doonidda aan degeyn. Kooxdase Madaxweyne Muuse la joogta ee Xirsi diidani waxey ku fekeraan uun iney badhidda siyaasadda mustaqabalka meel uun la helaan.


Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...