Geesiyaashii UFFO

0
Sunday February 20, 2022 - 12:04:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geesiyaashii UFFO

    W/Q:Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Kaysar Maxamed

Ragna dhaqashuu kuugu dhabar jabay, Ragna dhuunuu kuu dhex joogaa !



Asalaamu Calaykum


Waxaa hubaal ah in Geesiyaashii UFFO ay ahaayeen dhimbiishii halganka, abaalka ay Dalkeena ku leeyihiina uu yahay mid aan waligii la iloobi doonin.


Hadaba waxaa mudan Sawir caynkee ah ayuu maanta leeyahay Cisbitaalkeena Guud ee Magaalada Hargeysa 40 Sanadood ka dib markii ay UFFO halgankeedii ka bilowday Cisbitaalkaas Guud ee Hargeysa?


Hadii aynu doonayno inaynu Sharafno oo aynu taariikhdooda weynayno iyaga iyo dhalinyaradii kale, uma baahnin durbaano la garaaco iyo qudbado madhan oo la jeediyo. Waxaynu ku weynayn karnaa inaga oo shacbi iyo Xukuumadba isugu tagna inaynu wax ka qabano dayaca iyo baahiyaha culus ee ka jira Cisbitaaladeena.


Taas ayaa Guul iyo weynayn u noqon karta Geesiyaashii UFFO iyo dhalinyaradii dhibtu ka soo gaadhay halgankii UFFO.


 Geesiyaasha UFFO ee halkan uu sawirkoodu ka muuqdaa waxay kala yihiin:


Mudane Maxamed Baaruud

Dr Cismaan Maygaag

Dr Aadan Abokor

Dr Colaad Cali Adar  

Mudane Maxamed Cali Ibraahim


W/Q:Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...