Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka hadlay Xaaladda Sicir'bararka ee Dalka.

0
Sunday February 20, 2022 - 10:53:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka hadlay Xaaladda Sicir'bararka ee Dalka.

    Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay hore u samaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay hore u samaysay



Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Maxamed Cilmi Axmed, ayaa ka hadlay dedaallada ay xukuumaddu ugu jirto wax-kaqabasahda Sicir bararka maciishadda.


Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay hore u samaysay dedaallo ay kaga hortagayaan maciishadda quutul daruuriga inay sare u kacdo, isagoo tilmaamay inay weli ay xukuumaddu waddo sidii loo jebin lahaa sicir bararka ka taagaan suuqyada dalka, waxaana uu sheegay in mar walba ay xukuumaddu u nugushahay bulshadeeda, waxkasta oo dhib u keenayaana aanay raali ka ahayn.



guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka in aanay xaaladda kasoo badbadin, isla mar ahaantaana aanay ka faa’ideysan sicirka sare u kacay, waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doono ganacsatada qiime aan daruuri ahayn wax ku iibisa, ama badeecad aan kicin kicisa.

Loading...
Loading...