Doorashadda kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa.

0
Sunday February 20, 2022 - 10:49:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadda kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa.

    Guddiga ayaa shalay Shahaadada Musharaxnimada Guddoonsiiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga ayaa shalay Shahaadada Musharaxnimada Guddoonsiiyay




Gudiga Maamulka Doorashada Dowlada Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah in Magaalada Beledweyne oo ah Xarunta labaad ee degaan doorashada inay ku qabtaan lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.


Guddiga ayaa shalay Shahaadada Musharaxnimada Guddoonsiiyay dhamaan Murushixiintii u Tartamaysa kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.



 

1: HOP#008 oo uu ku fadhiyo Dr Xuseen Cabdi Cilmi, waxaana dadka ku tartamaya kamid ah Maxamed Deeq Bare Fiyoore oo ah Milkiilaha & Agaasimaha Idaacadda Danan


2: HOP#015 oo ay ku fadhiso Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka Xiis Xasan Aadan, waxaana ku tartami doono isla Xiis Xasan Aadan & musharrax kale.


3: HOP#074 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble oo meesha laga saaray, waxaana waxaana kursigaas kusoo bixi doona Ing Cabdikariin Cumar Xuseen.


4: HOP#086 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana Maanta la filayaa in kursigaas uu soo qaato la taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.


5: HOP#109 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxogeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdul Fataax Qaasim , waxaana la filayaa in isla Cabdiqfitaax Qaasim uu kursigaas kusoo baxo.


6: HOP#274 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana la filayaa in markale kursigaan uu kusoo baxo.


Doorashada ka dhaceysa Maanta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa aad loo hadal haayaa kursiga Hop#086 kaas oo uu doonayo Fahad Yaasiin, waxaana in la hakiyo isku khilaafay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo qoraalo iska soo horjeeda soo saaray.


Maamulada kale ee kajira dalka ayaa la filayaa in dhankooda ay dardar geliyaan howlaha doorashooyinka ee Golaha Shacabka, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay waqtigii loo asteeyay in lagu soo geba-gabeeynayo doorashada.

Loading...
Loading...