Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray

0
Sunday February 20, 2022 - 10:10:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray

    "Qalabkan ayaa qorshuhu yahay in la dhigo dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qalabkan ayaa qorshuhu yahay in la dhigo dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland"

Hargaysa (HWN) Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta daah-furi doona qalab lagu hubin doono dadka codbixiyeyaasha ah ee codaynaya doorashooyinka Somaliland.

 

Qalabkan oo ah mid ay Taiwan ku caawisay Somaliland ayaa lagu hubin doonaa dadka codka ka dhiiban doona goobaha codbixinta ee guud ahaan Somaliland, si loo xaqiijiyo qofka codaynaya iyo kaadhkiisu in ay is leeyihiin, waana mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay daah-furnaanta hannaanka codbixinta doorashooyinka dalka.

 

Qalabkan ayaa qorshuhu yahay in la dhigo dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland iyo goobaha codbixintaba.

 

Somaliland ayaa la filayaa in ay dhawaan ka bilaabanto diiwaan gelint codbixiyeyaasha doorashooyinka ee sharcigu dhigay in la sameeyo doorasho kasta ka hor.

 

Qalabkan ay Taiwan ku caawisay Somaliland, ayaa la isku dayey in doorashadii u dambaysay lagu galo, balse wakhtiga oo la sheegay inuu cidhiidhi yahay ayey suurto geli wayday.


Loading...
Loading...