Xukuumada Mustafe Cagjar Oo Sheegtay Inay Talaabo Ka Qaaday Siyaasiyiin Damacsanaa Kacdoon

0
Sunday February 20, 2022 - 09:55:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Mustafe Cagjar Oo Sheegtay Inay Talaabo Ka Qaaday Siyaasiyiin Damacsanaa Kacdoon

    "Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan"

Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay siyaasiyiintii damacsaneyd iney deegaanka kacdoomo ka sameeyaan ay dowladdu tallaabba ka qaadday.

 

Hoggaanka Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Mubashir Dibad Raage oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay hadafka ay siyaasiyiinta uu qaswadayaasha ku sheegay ay leeyihiinna uu ahaa iney dowladda deegaanka ka jirto meesha laga saaro dadki shacabka hagardaamooyinka tirada badnaa u geystayna ay xukunka ku soo laabtaan.

 

Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan oo ay ka mid yihiin xubno xukumaddi hore ka tirsanaa.

 

Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horay u beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameeyay xukuumadda dowladd deegaanka kaas oo ay mas'uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro argagaxiso.


Loading...
Loading...