"Baasaboorka Somaliland laguma geli jirin Djibouti intii ka horaysay 2016-kii"....Danjire Cabdifataax

0
Saturday February 19, 2022 - 23:36:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Baasaboorka Somaliland laguma geli jirin Djibouti intii ka horaysay 2016-kii"....Danjire Cabdifataax

    "Baasaboorka Somaliland laguma geli jirin Djibouti intii ka horaysay 2016-kii"....Danjire Cabdifataax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baasaboorka Somaliland laguma geli jirin Djibouti intii ka horaysay 2016-kii"....Danjire Cabdifataax


Hargeisa(HWN):-Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in mudadii uu hayay Xilka danjirenimo inuu qabtay waxyaabo fara badan oo qaranka guul u ah.


Danjire Cabdifataax waxa uu xusay in waxyaabaha uu qabtay ay ka mid tahay inuu kor u qaaday meeqaamka dublomaasiyadeed ee Xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka jamhuuriyadda Djibouti.

Sidoo kale waxyaabaha guusha u ah qaranka ee uu qabtay ayuu danjiruhu ku tilmaamay in mar kasta dawladda Jabuuti ay ku qaabisho masuuliyiinta reer Somaliland ee booqashadda ku taga Djbouti meeqaam aad u sareeya.


Wuxuu sheegay inuu hayay xilka danjiraha Somaliland u fadhiya Djibouti muddo shan sanadood iyo dheeraad ah, isla markaana mudadaasi uu qabtay waxyaabo fara badan.

Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Cabdifataax Siciid Axmed, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay shir magaaladda Berbera uga furay safiirradda jamhuuriyadda Somaliland u kala jooga dalalka caalamka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qabtay ayuu Cabdifataax ku sheegay in ay ka mid tahay in Baasaaboorka Somaliland aan dalka Jabuuti lagu geli jirin wixii ka horeeyay sanadkii 2016-kii.

Iyadoo Madaarka diyaaraha Djibouti dadka lagaga reebi jiray, balse maanta ay guul u tahay qaranka Somaliland in Baasaaboorkeena lagu geli karo dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxa kaloo uu xusay Cabdifataax Siciid Axmed, in marka laga soo bilaabo sanadkii 2014-kii ay xidhnayd xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti, hase yeeshee in 2020-kii bishii December ay ku guulaysteen in la furo xuduudka.

Iyadoo maanta baabuurta ka taga Somaliland in iyagoo lanbarka Somaliland sita ay geli karaan gudaha dalka Jabuuti, talaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid guul u ah qaranka Somaliland.

Geesta kale danjire Cabdifataax Siciid Axmed, waxa uu xusay in ay jiraan caqabado haysta wakiiladda Somaliland u jooga dalalka caalamka, taasoo ay sababtay aqoonsi la’aanta jamhuuriyadda Somaliland aanay weli beesha caalamka ka helin.

Loading...
Loading...