Booliska Somaliland Oo Qabtay Tahriibayaal Itoobiyaan ah

0
Saturday February 19, 2022 - 23:27:48 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Qabtay Tahriibayaal Itoobiyaan ah

    Hargeisa(HWN):-Ciiddanka Booliiska Somaliland ee Degmo ganacsiyeedka Wajaale, ayaa gacanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Ciiddanka Booliiska Somaliland ee Degmo ganacsiyeedka Wajaale, ayaa gacanta


Hargeisa(HWN):-Ciiddanka Booliiska Somaliland ee Degmo ganacsiyeedka Wajaale, ayaa gacanta ku soo dhigay 120 tahriibayaal Itoobiyaan ah oo sifo Sharci-daro ah ugu soo gudbayaay Somaliland.



Taliyaha Ciiddanka Booliska degmada Wajaale, ayaa sheegay in tahriibayaasha gacanta lagu soo dhigay xili habeenimo ah, waxaannu intaa ku daray in sidoo kale la soo qabtay ragii Tahriibinaayay.

"Ciiddanka Booliisku waxay xalay abaaro 4:00 am la kulmeen 120 Nin oo Tahriibeyaal ah, oo ka soo Tahriibay dalka Itoobiya, kuwaasi oo u gudbaayay Somaliland, waxaanna gacanta lagu dhigay 120 kii Tahriibe, laba Baabuur iyo Saddex magafe oo waday” Ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaa ku daray inay qorshaynayaan inay Tahriibayaasha dib ugu celiyaan dalkoodii "Waxaannu qorshaynaynaa inaanu u gudbino Itoobiya 120 kaa Tahriibeyaasha ah”.

Dadka Itoobiyaan ka ah ayaa badana Somaliland kusoo gala sifo sharci daro ah, iyagoo ay xuduudka kasoo gudbiyaan rag tahriibiyeyaal ah oo lacag kaga qaata in ay soo gaadhsiiyaan meelaha ay rabbaan.

Loading...
Loading...