Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Weftigii Xildhibaan Gavin Williamson

0
Saturday February 19, 2022 - 20:12:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Weftigii Xildhibaan Gavin Williamson

    Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Weftigii Xildhibaan Gavin Williamson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Weftigii Xildhibaan Gavin Williamson


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta qado sharaf u sameeyey Weftigii uu hoggaaminayey Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka UK, isla markaana ahaa Xildhibaankii qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland horgeeyey Baarlamaanka Ingiriiska.



Xafladii qado sharafta waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo dhammaan Taliyeyaasha noocyada kala duwan ee ciidammada dalka iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga Xildhibaan Gavin Williamson uga mahadceliyey dedaalkii uu u galay inuu qaddiyada aqoonsiga Somaliland horgeeyo baarlamaanka Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in qaranka Somaliland ay u ogyihiin dedaalka uu sameeyey, waxaanu xusay in Somaliland iyo UK uu ka dhexeeyo cilaaqaad taariikheed oo soo jireen ahi.

Wasiir Maxamed Kaahin iyo Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa weftiga xildhibaanka gudoonsiiyey shahaado sharaf iyo agab kale oo ka turjumaya taariikhda JSL.

Loading...
Loading...