Xukuumadda Oo Bilowday Daawaynta Iyo Nafaqaynta 5 Milyan Oo Neef

0
Saturday February 19, 2022 - 20:05:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Bilowday Daawaynta Iyo Nafaqaynta 5 Milyan Oo Neef

    Xukuumadda Oo Bilowday Daawaynta Iyo Nafaqaynta 5 Milyan Oo Neef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Oo Bilowday Daawaynta Iyo Nafaqaynta 5 Milyan Oo Neef


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta kala diray kooxo daweyn iyo Nafaqeynta Xoolaha ka soo fulin doona gobollada dalka, oo lagu Xanaanayn doono Xoolo dhan 5 milyan oo Neef.



Wasiirku wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta la hadlaayey kooxo loo kala diraayey gobollada dalka, waxaanu tilmaamay in olole ballaadhan lagu daaweynaayo ilaa saddex milyan oo neef oo Xoolo ah dalka laga fulin doono, isla markaana la Nafaqeyn doono Xoolo tiradoodu gaadhayso 5 Milyan oo Neef.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu wuxuu sheegay in hawlgalkan ay ka caawisay Hay’adda FOA, waxaanu tilmaamay inay ka faa’iidaysan doonaan 75 kun oo Qoys oo Xoolo dhaqato ah.

Wasiir Siciid Sulub waxa uu tilmaamay in ololahaas Caafimaadinta iyo Nafaqeynta Xoolaha uu gobollada dalka oo dhan ka socon-doono muddo 45 maalmood ah.

Waxa kaloo Wasiirka Xannaanada Xooluhu xaqiijiyey inay Hay’adda FAO ka caawinayso 1,400 oo Booyadood oo Biyo ah oo ay gaadhsiin doonaan Xoolo dhaqatada ku dhaqan gobollada bariga ee ay ka jirto abaarta adagi.

Loading...
Loading...