Safiirrada Somaliland Oo Shir Dublomaasiyeed Uga Furmay Berbera

0
Saturday February 19, 2022 - 19:55:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirrada Somaliland Oo Shir Dublomaasiyeed Uga Furmay Berbera

    Safiirrada Somaliland Oo Shir Diblomaasiyeed Uga Furmay Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirrada Somaliland Oo Shir Diblomaasiyeed Uga Furmay Berbera


Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa maanta magaaladda Berbera ka furay shir ay yeelanayaan Safiirradda Somaliland u kala jooga dalalka caalamka.


Ujeeddada Hindisahan Tababbarku waa in loo arko in Siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay fursad iskaashi iyo aasaaska iskaashi shaqo oo ku saabsan arrimaha caalamiga ah.


Waxaanna shirkan oo ah Dood-cilmiyeedka tababarka diblomaasiyadda ee Somaliland ka soo qayb-galay Safiirrada Somaliland u kala jooga dalalka dibadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciisa Kayd.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda, maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera, Maareeyaha dekadaha Somaliland, iyo Xubno hore Xilal danjirenimo uga soo qabtay Somaliland.

Dr. Ciisa Kayd, oo si rasmiya u furay tababarkaasi oo soconaya muddo todoba maalmood ah ayaa ku booriyay Safiirradda inay qaabilaan cidkasta iyo dalkasta oo ay danni ugu jirto Somaliland shuruud la’aan.

Waxaanu sheegay in keliya waa in ay dawladdu idinla og tahay, isla markaanna dalkaasi ama ciddaasi ay jiritaankeenna ogol yihiin.

Loading...
Loading...