"Hankayga Madaxwaynenimo Maaha Mid Maanta igu soo Degay ee waa Mid Qaangaadh ah...."

0
Saturday February 19, 2022 - 18:02:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hankayga Madaxwaynenimo Maaha Mid Maanta igu soo Degay ee waa Mid Qaangaadh ah...."

    Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka cusub ee HORSEED Muj. Cabdillaahi Darawal iyo khudbaddii uu ka jeediyey xafladdii maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka cusub ee HORSEED Muj. Cabdillaahi Darawal iyo khudbaddii uu ka jeediyey xafladdii maanta


Hargeysa (HWN):-Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka cusub ee HORSEED Muj. Cabdillaahi Xuseen Iiman (Dirawal) oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey xafladdii maanta (Khamiis,17 February 2022) loo qabtay shaacinta Ururkan cusub, ayaa soo bandhigay sababaha keenay aasaaska ururkan iyo ballanqaadyo uu u sameeyey bulshada reer Somaliland.


Guddoomiye Cabdillaahi Darawal ayaa ugu horayn bogaadiyey jilayaasha siyaasadda Somaliland ee ogolaaday, soona dhaweeyey furista Ururrada siyaasadda, waxaannu yidhi; "Ugu horreyn, waxa mahad leh Ilaaha innagu simay nabbada iyo xornimada Somaliland ka jirta, waxaanan Alle waydiisanaynaa inuu innaga soo jebiyo abaaraha dalka ka jira.
Xisbiga Waddani Ku Qaloon meyno.." Siyaasi Cabdilaahi Darawal + [ Muuqaal] - Ilays News

Waxa aan fursaddan uga faa’iidaysanayaa inaan ammaan iyo bogaadin u diro cid kasta oo illaalinaysa xeerarka dalka u yaala, ha noqoto masuuliyiinta saddexda dhardhaar ee xukuumadda iyo madaxda saddexda xisbi qaran ee hadda jira oo dhammaantood soo dhaweeyay xeerka furitaanka xisbiyada ee waajibka ah,” ayuu yidhi Muj. Cabdillaahi Darawal.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; "Mudanayaal iyo Marwooyin, maanta (17 February 2022) waxa aynu madashan isugu nimi in aynu gudano waajib innaga saaran diinteena, dalkeena iyo dadkeena, innaga oo u marayna dariiq waafaqsan xeerarka dalka. Waajibka aynu halkan u fadhinaa waa inaynu masuuliyad iska saarno wanaaga dalkeena iyo waxtarka jiilasheena soo socda si aynu ugu samayno mustaqbal ka wanaagsan ka aynu maanta ku jirno haddii alle idmo. Dariiqa aynu hadafkeena muqadaska ah u maraynaa waa dariiqa nabbada, talo-wadaaga, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan, waxaan jecelahay inaan dul istaago sababta keliftay inaan ururkan aasaasno ama sababta ay Somaliland ugu baahan tahay dhiig cusub.”

Guddoomiyaha Ururka cusub ee HORSEED ayaa soo bandhigay sababta ku dhiirigelisay tallaabadan lagu shaaciyey Urur-siyaasadeedkan, waxaannu yidhi; "Sababta ugu horraysaa ee dhiirigalinaysa furitaanka ururkani waa sida xeerarku dhigayaan ee ah in la gaadhay waqtigii 10-ka sanno ee waajibka ahayd in la furo ururo siyaasadeed oo cusub, si aanay tallada dalku kooto ugu noqon koox gaara ah.

Sababta labaad ee aasaaska urrurkani waxa weeye in xisbiyadeenii hore ay noqdeen qaar ku dhisan siyaasad xulafaysi reereed iyo gobolaysi aan Somaliland u wadin dariiq badhaadhe leh, balse ku hagi karta qaran-jab iyo is nacayb dadka walaalaha ah ee dalkan wada leh.

Xisbiyadeenii hore waxay noqdeen qaar aan shacabka cod ku waydiisan qorshayaal cad oo ay fulin doonaan. Waxay noqdeen qaar qayladoodaa, is qabqabsigooda, doodooda iyo dagaalkoodu uu salka ku hayo kaliya wax la xidhiidha doorasho oo aan waligood isku qabsanin, kana talin baahiyaha bulshada ee jira sida abaaraha, sicir-bararka, caafimaad darrada iwm.

Haddii aad u fiirsato hannaanka ay xisbiyadeena hadda jiraa hoggaankooda u doortaan, waxaad arkaysaa inuu yahay nidaam baal marsan wada-lahaansha, waddaniyadda iyo dimuqraadiyadda. Waa nidaam kali-talisnimo oo aan oggolayn isla xisaabtan iyo tartan daah-furan oo hogaanka xisbiga loo galo. Isku soo wada duub oo xisbiyadeenii hore waxay iskugu biyo shubteen xisbiyo ku astaysan qabyaalad iyo qoqob, aragti gaabni iyo bilaa qorshe, kali-talisnimo iyo meherado ragg gaar ahi leeyihiin.

Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in la helo xisbiyo siyaasadeed oo leh aragti mustaqbal oo fog, qorshayaal cad, nidaam tallo wadag, iyo taageero shacab oo ku salaysan midnimo bulsho.”

Muj. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa sheegay in Urur-siyaasadeedkan cusub uu noqon doono mid wanaag iyo horumar ku soo kordhiya dalka Somaliland, waxaannu yidhi; "Ururkani isagoo maanka ku haya baahiyaha bulshada, doonitaanka bulshada iyo samo ka talinta Somaliland wuxuu yeelan doonaa qorshayaal cad oo ku salaysan xog ururin sugan iyo ka tallo galinta dhamaan qaybaha bulshada.”

Geesta kale, Mujaahid Cabdillaahi Darawal ayaa bulshada u soo bandhigay taariikhda iyo waayo-aragnimada siyaasadeed ee uu leeyahay, waxaannu yidhi; "Marka aan intaa kaga yimaaddo baahida kaliftay in aan ururkan furno, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA EEGAA!!” Markaa waxaan jecelahay in aan taariikhdayda si kooban u dul maro, xubnaha kale ee ururkana sidooda ayaad u baran doontaan oo waa ragga dalkan iyo dadkan wax badan soo gashaday iyo dhallinyaro u heelan inay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalkooda.

Magacaygu waa Cabdillaahi Xuseen Iimaan, waxaa sharaf ii ah in aan muddo dheer dadkayga ugu soo adeegay hagarli’, naf hur iyo daacadnimo, waxaan nasiib u yeeshay in aan kaalintayda ka qaato laba halgan oo shacabkani soo galay. Halganka koowaad ee aan nasiibka u yeeshay waa halgankii lagula jiray nidaamkii kaligii-taliska ahaa ee kacaanka oo Soomaalidu meel kasta oo ay joogtaba burbur laxaad leh u gaystay.

Loading...
Loading...