Wasiir Kasta Iyo Kartidii !

0
Saturday February 19, 2022 - 15:32:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Kasta Iyo Kartidii !

    W/Q: Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaysar Maxamed

Haddii Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiweli Suufi uu ku guulaystay inuu Walaaleeyo oo heshiisiiyo Shirkadihii Isgaadhsiinta, oo uu ku qanciyay inay wada shaqaystaan oo ay khadadka Taleefanada middeeyaan, sidoo kalana ay khadkii Kaybalka wada yeeshaan oo ay ku midoobaan, waxaynu odhan karnaa waa kaas Wasiirka ay Shacbigu rabaan ee kartida lihi. Dadku waxay rabaan Wasiir sida Cabdiweli Ganacsatada qancin kara oo dantooda iyo danta shacbiga middayn kara.



Ummadu uma baahna Wasiir jilicsan oo taag daran oo yidhaa waxba ma qaban karo. Ummadu ma rabto Wasiir yidhaa waxba ma qaban karo oo Maraykan iyo Dunida ayaynu wax la qabnaa.


Wasiirradow Ummadu kuumay diran inaad uga sheekayso sicir-bararka Maraykanka iyo Itoobiya ka jira,  iyaga taasi ma khusayso, balse waxay ummadu kuu diratay in dhibaatada haysata aad wax ka  qabato. Haddii aanad ka qaban karina aad Albaabka dhaafto oo Wasiir sida Cabdiweli wax ka qaban kara aad u bannayso.


Tolow Wasiirkeena Isgaadhsiintu ma waxa uu ka soo jeedaa Qoyskii reer Sheekh Cali Suufi ee Ciyaalo-milatariga ahaa ee Iskuulka Axmed Guray ag degenaa qaxii ka hor.  Igu salaama Wasiirkaas Isgaadhsiinta ee dedaalka muujiyay.

 

W/Q: Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...