Shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waa weyn Somaliland oo gaadhay heshiis layskugu furayo khadka

0
Saturday February 19, 2022 - 15:10:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waa weyn Somaliland oo gaadhay heshiis layskugu furayo khadka

    Xukuumadda Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso


Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gaban gabiysay heshiis layskugu furayo khadadka telefoonada labada shirkadood ee ugu waa wayn dhinaca telefoonada iyo isgaadhsiinta, ee Telesom iyo Somtel.


Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qof haysta Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom na uu awoodi doono in uu waco qofka haysta Kaadhaka Somtel.



Xukuumadda Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso shirkadaha kala duwan ee is gaadhsiinta.


Waxaana sidoo kale maalmo ka hor lagu heshiiyay in la sameeyo khad Internet ah oo ka dhaxayn doona Shirkadaha Somtel, Telesom, Somcable iyo xukuumadDa oo saami ku yeelanaysa.



Loading...
Loading...