Xilka Wasiirnimo Ee Cabdilaahi Abakor Iyo Xukunkii Maxkamdu Ku Riday

0
Saturday February 19, 2022 - 11:16:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilka Wasiirnimo Ee Cabdilaahi Abakor Iyo Xukunkii Maxkamdu Ku Riday

    W/Q Cabdiraxmaan Abees.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Cabdiraxmaan Abees.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

"Afna daayoo”



Wasiirka wasaaradda Hawalaha Guud Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa aan arkay qoraal ay ka soo xigteen asxaabta saxaafaddu. Wasiirku isaga oo nuxur ahaan ka hadlaaya sifada sharciga waafaqsan ee bannaanbax muwaaddiniintu u samayn karaan ayaa uu adeegsaday qodobo sharci iyo dastuuri ah, isaga oo deedifaynaaya bannaanbax uu Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ku baaqay habeenimadii Arbacada(16. 02. 2022).


Marka aan ka tago ma saxsana wasiirku iyo ma khaldana waxa ka horraysa isagu wasiirnimada iyo mansabka uu ku fadhiyo ma yahay mid xalaal ah oo sharciga waafaqsan. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahda, "Haddii riyuhu dub leeyihiin, dabadooda ayay ku qarin lahaayeen.”


Haddaba, si aad ujeeddada qoraalkaygan aad u fahanto waxa aad akhrida qoraalkan hoose oo ah qayb yar oo ka mid ah buugga "Mayal”


"Waxaa jirtay in wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Cabdillaahi Abokor Cismaan, waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, maxkamadda gobolka Maroodijeex ay ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah, xukunkaasi oo ahaa mid kama danbays ah, oo sida aan maqlay aan wax racfaan ah (appeal) ka qaadan xukunkaasi. Sida niman garyaqaanno ah oo xogogaal ahi ii sheegeen markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka la wareegay, qiyaastii bil iyo badh kadib, ayaa uu damcay in uu u magacaabo Wasiir Cabdillaahi wasiirka gaadiidka. Waxaa ka hor timid in aanu sharcigu u oggolayn in xil loo magacaabo maddaama xukun maxkamadeed ku dhacay Wasiir Cabdillaahi. Si uu qiil ugu raadiyo waxa uu xafiiska xeerilaalinta ku amray in ay siiyaan Cabdillaahi Xaashida Dembi La’aanta. Markii xeerilaalintu siisay Wasiir Cabdillaahi Xaashidii Dembi La’aanta kadib ayaa uu Madaxweyne Muuse uu u magacaabay wasiirka.


Haddii aad dhan kale ka eegto oo aanay jirinba in Madaxweyne Muuse xeerilaalinta amar siiyay ee uu isagu kas iyo kama’ ka ay doonto ha ahaatee sidaas ku magacaabay Wasiir Cabdillaahi, waxaa gudboonayd in xeerilaalintu marka ay soo baxday magacaabistii Wasiir Cabdillaahi ay hor is taagaan, warqadna u qoraan madaxweynaha ay xukunkiisii kula socod siinayaan. Laakiin tani ma ay dhicin, oo Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, "Oodi jiidis iyo qaadis waa isla ruga geyn.” Arrinkaasi sida uu doono ha u dhacee waxa uu ahaa gef sharci ah iyo ku xadgudub dastuur oo kale. Joojin la’aanta iyo ka aamuska xeerilaalinta ee arrinkani waxa uu ku tusayaa is afgarad iyaga iyo madaxtooyada dhex maray. Waxaa laga yaabaa in ay jiraan dad qaba in xukunka Cabdillaahi ku dhacay ahaa mid xaq-darro ahaa, haddii isaga la weyddiiyana ay u badan tahay in uu yidhaahdo, "Xukunkii igu dhacay waxa uu ahaa mid caddaalad-darro ah.” Haddaba dooddaydu taasi ma aha ee waa haddii xukun maxkamadeed dhacay, sax iyo khalad kuu doono ha ahaadee, waa in laamaha dawladda ee kala duwani u hoggaansanaadaan go’aamada ka soo baxa maxkamadaha iyo garsoorka dalka.


Dastuurka Somaliland qodobkiisa 94-aad, faqraddiisa 5-aad, oo lala akhriyaayo qodobka 41-aad, faqraddiisa 5-aad, ee isla dastuurku, waxa uu qeexayaa in aan qofka wasiir loo magacaabayaa aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama danbaysa ah, oo maxkamad horteed kaga caddaaday. Waxa uu qofka muwaaddinka ah ee xukunku ku dhacay heli karaa Xaashida Dembi La’aanta maalinta uu xukunkiisa dhammaysto shan sannadood kadib. Waxaa maxkamadda gobolka Maroodijeex xukuntay Wasiir Cabdillaahi Abokor sannadkii 2014-kii bishii 10-aad, waxa uu Madaxweyne Muusena u magacaabay wasiirka gaadiidka dhammaadkii sannadkii 2017-kii. Sidaa darteed waxaa loo magacaabay Cabdillaahi wasiirka maalintii xukunku ku dhacay qiyaastii saddex sanno iyo laba bilood kadib.


Marka sida saxda ah iyo dastuurka dalka la raacayo waxa uu Cabdillaahi wasiir noqon karaayay maalintii la magacaabay shan sanno kadib ama dhammaadka sannadka 2023-ka haddii aanu muddadaa wax dembi ah oo kale ku dhicin." Buugga "Mayal” Bogga: 247 iyo 248.


Markii aan arkay Wasiir Cabdillaahi doodiisan ayaa aan xasuustay sheeko ka mid ah sheekooyinka Soomaalida, waxa ay ahayd; Oday ilko la’a ayaa islaantiisii ku yidhi, "Wax yahay afka xun lihi'” Islaantii baa iyada oo aan is dhibin ugu jawaabtay, "Afna daayoo.” Hadda waxa aan leeyahay Wasiir Cabdillaahi, "Dastuur iyo sharci daayoo.” Ayaandarro waxa ah sharcigeennii iyo dastuurkeennii waxa uu iska noqday mid cidda awooddda haysata iyadu danaheeda ku jaangoyso. Sharcigu waxa uu dabra shacabka xuquuqahooda raadinaaya.


"Sharciga wadhatada ganaaxa

Wasiirkana gool u looga,

Sharciga gabay maatadiisa

Af-miishaarkana gunneeya

Sharciga geed weyn ka soomay

Gudmaha yacaygana u qaata,

Sharciga booliga gasiinta

Xalaashana tola galkeeda,

Sharciga nabadana gardaadsha

Wixii gubayana jideeya,

Sharciga saddex gole ka kooban

Haddana guri qudhi istaadho!”

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil

(Weedhsame)


Sidii roon Allahayoow.

W/Q Cabdiraxmaan Abees.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...