10% ayaa la Dhimay Cashuurta Maceeshada Dekeduna Waxay Ka Dhaaftay Cashuurtii Koontiinarradda"

0
Saturday February 19, 2022 - 08:58:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10% ayaa la Dhimay Cashuurta Maceeshada Dekeduna Waxay Ka Dhaaftay Cashuurtii Koontiinarradda"

    Wasiir Sacad ayaa sheegay in si wax loo qabto kor kaca qiimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Sacad ayaa sheegay in si wax loo qabto kor kaca qiimaha



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xukuumaddu ay qiimo dhimis u samaysay ganacsatada dalka keena ascaarta kala duwan.


Wasiir Sacad ayaa sheegay in si wax loo qabto kor kaca qiimaha ay xukuumaddu cashhuur dhimis u samaysay ganacsatada islamarkaana laga dhaafay cashuurta koontiinarrada, waxana uu yidhi "Waa in aynu wax lasoo baxnaa oo beerannaa cuntadeena, dawladda ahaan arrintaa si aan wax uga qabano waxaanu ka yaraynay cashuurta 10% waxyaabaha muhiimka ah , dekaddana waa laga dhaafay cashuurta kontiinarrada wixii la xidhiidha maceeshadaā€¯



Dr Sacad Cali Shirre oo waraysi kooban Bixiyay ayaa ganacsatada faray in aanay shacabka ku adkayn oo kicin ascaarta islamarkaana ay il naxariisa ku eegaan, wixii cashuur ahaan laga dhaafayna ay ka dhimaan qiimaha ay bulshada ka siiyaan.


Wasiirka waxa uu xusay in caalamka uu kor kacday qiimaha lagu iibiyo maciishada , shacabka iyo dawladdana looga baahan in ay sameeyaan wax soosaar oo ay lasoo baxaan cuntada ay quutaan.

Loading...
Loading...